DEG-DEG: Tababaraha Premier League Ee Ay Adduunyadu Isku Haysato Oo Iscasilay


Kooxda kubadda cagta Brighton ayaa shaacisay, in tababaraheeda ay naadiyada badan ee reer Yurub raadinayaan ee Roberto de Zerbi uu ka tegi doono marka ay dhamaato ciyaarta Manchester United ay la dheelayaan Axadda berri, taas oo lagu soo gunaanadayo horyaalka Premier League.

Roberto de Zerbi ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan, sida Bayern Munich iyo Bayern Munich, sidoo kalena waxa hadda saaxadda soo gashay Juventus, inkasta oo ay Liverpool oo hore ugu jirtay naadiyada lala xidhiidhinayey ay ka hadhay oo ay tababaraheeda cusub u magacowday Arne Slot.

War-saxaafadeed ay soo saartay Brighton ayaa lagu yidhi: “Brighton & Hove Albionw axa ay xaqiijinaysaa, in tababaraha kooxda koowaad ee Roberto de Zerbi uu ka tegi doono naadiga kaddib ciyaarta berri ee ugu dambaysa xilli-ciyaareedka horyaalka Premier League ee Manchester United aanu kula ciyaari doono American Express Stadium.”

Roberto de Zerbi oo ay da’diisu tahay 44 jir ayaa Brighton loo magacaabay September 2022, markaas oo uu ka tegay Graham Potter oo isaguna noqday macallinka Chelsea balse muddo kooban lagaga eryey.

Waxa xilli-ciyaareedkiisii koowaad uu Roberto de Zerbi keenay kooxdiisa Brighton kaalinta lixaad ee horyaalka Premier League oo ahayd booskii ugu sarreeyey ee abid ay ka galaan horyaalka, waxaanay kasoo qayb-galeen tartanka Europa League oo lagu reebay wareeggii 16ka.

De Zerbi ayaa dhinaciisa waxa uu soo saaray war-saxaafadeed uu ku xaqiijiyey  bixitaankiisa, waxaanu ku yidhi: “Waxa aan aad uga murugaysanahay in aan ka tegayo Brighton, laakiin waxa aan aad ugu faraxsanahay waxa ciyaartoydayda iyo shaqaaluhu ay gaadheen annaga oo taageero ka helayna qof kasta oo kooxda ah iyo taageereyaasha cajiibka ah ee na garab taagnaa labadii xilli-ciyaareed ee taariikhiga ahaa.”

Ka sokow tegitaanka Roberto de Zerbi, waxa kale oo Brighton macasalaamayn doona toddoba ka mid ah shaqaalihii gacanyareyaasha u ahaa intii uu joogay Amex Stadium, kuwaas oo kala ahaa Andrea Maldera, Ricard Segarra, Marcattilio Marcattilii, Vincenzo Teresa, Agostino Tibaudi, Marcello Quinto iyo Enrico Venturelli, hase yeeshee Andrew Crofts iyo Jack Stern ayaa kusii negaan doona kooxda.

Wargeyska The Sun ayaa waxa uu qoray in Roberto de Zerbi loo magacaabayo Bayern Munich oo maalmihii u dambeeyeyba ay wada-hadallo u socdeen Max Eberl oo ah agaasimaha ciyaaraha Munich.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*