Toni Kroos Iyo Luka Modric Oo Go’aan Isku Mid Ah Ka Qaatay Real Madrid Oo Ay Xor Ka Noqonayaan


Xiddiga khadka dhexe ee reer Germany ee Kroos ayaa qaatay go’aan la mid ah ka uu qaatay Luka Modric, iyadoo labadoodaba ay qandaraasyadood Real Madrid ku egyihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan gabogabada ah.

Real Madrid oo dhawr ka mid ah ciyaartoydeeda ay qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli-ciyaareedkan ayaa hore loo sheegay inay heshiis cusub u bandhigtay Lucas Vazquez oo uu isaguna ogolaaday, waxaase ay ka war sugaysay Luka Modric iyo Toni Kroos.

Shalay ayuu Luka Modric ku wargeliyey madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez in uu diyaar u yahay inuu sii joogo sannad kale oo uu waliba dhimayo mushaharkiisa, waxaana isla go’aankan oo kale qaatay Toni Kroos oo isaguna saxeexi doona heshiis sannad ah oo Santiago Bernabeu ku hayn doona illaa June 2025.

Los Blancos ayaa waxa ay hore wada-hadallo ugula jirtay goolhayaha reer Ukraine ee Andriy Lunin oo ay heshiis cusub u bandhigtay, sida Lucas Vazquez oo kale, hase yeeshee Luka Modric iyo Toni Kroos ayaa iyagana hadda la diyaarin doonaa qandaraasyadooda cusub.

Weeraryahanka reer Spain ee Joselu ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay si rasmi ah Real Madrid ula saxeexan doonto kaddib sannad ay amaah kaga haysteen Espanyol oo ay xagaagii kala soo wareegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*