RASMI: Premier League Oo Shaaciyey Xiddigii Sannadkan Ugu Fiicnaa


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa ku dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta xiddigii sannadkan ugu fiicnaa horyaalka Premier League, kaas oo ay u doorteen da’yarka Manchester City ee Phil Foden.

Abaal-marintan ayuu Phil Foden ku garaacay saaxiibkiisa Manchester City ee Erling Haaland, labada laacib ee Arsenal ee Martin Odegaard iyo Declan Rice iyo weeraryahanka Chelsea ee Cole Palmer.

34 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa Manchester City ayuu Phil Foden u dhaliyey 17 gool iyo siddeed kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana uu helay codadkii ugu badnaa oo loogu doortay abaal-marintan.

Waxa kale oo abaal-marintan u tartamayey Ollie Watkins oo u ciyaara Aston Villa, Virgil van Dijk oo ah kabtanka Liverpool iyo weeraryahanka Newcastle ee Alexander Isak.

Horraantii bishan, Phil Foden ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee ay u codeeyaan ururka qoreyaasha kubadda cagta ee FWA.

Markii uu abaal-marinta ku guuleystay ayuu Phil Foden la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “In aan ku guuleysto abaal-marintan farxad weyn ayay ii tahay ii tahay.

“Premier League waxa loo qirsan yahay inuu yahay horyaalka ugu wanaagsan adduunyada, farxad ayaanay ii noqonaysaa in uu ii magacaabo ciyaartoygii ugu fiicnaa iyadoo ay jiraan ciyaartooyo badan oo xilli-ciyaareed fiican la qaatay kooxahooda. Waxa aan u mahad-celinayaa shaqaalaha, tababareyaasha iyo ciyaartoyda Man City oo iyaga la’aantood aanay suurtogasheen in aan abaal-marintan ku guuleysto.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*