Lionel Messi Oo Magacaabay Tababaraha Premier League Ee Ka Yaabiyey


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa magacaabay goolhaye horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ah oo uu ku tilmaamay ‘in aanu binu-aadam ahayn’ kaddib markii uu la yaabay bandhig ciyaareedka uu ka sameeyo garoomada.

Inta badan goolhayeyaashu waxa ay argagax kasii qaadaan Lionel Messi marka uu ka hor yimaaddo, balse goolhaye lama filaan ah ayaa uu Lionel Messi isaguna dhinaciisa ka yaabay goolhaye aanad filaynin.

Sannadkii 2012 ayuu Lionel Messi oo ahaa xiddiga Barcelona waxa ay tartanka Champions League ku kulmeen Celtic oo ay 2-1 kaga soo adkaadeen iyagoo ku booqday garoonka Celtic Park, waxaana goolka guusha waqti badan dhaliyey Jordi Alba.

Fraser Forster ayaa ciyaartaas waxa uu fursado badan ka badbaadiyey Lionel Messi oo uu uga dhaartay inuu shabaqiisa u weydaarto, waxaana goolhayahan oo hadda u ciyaara Tottenham Hotspur uu muujiyey bandhiggiisii ugu fiicnaa.

Messi oo la weydiiyey goolhayaha ka yaabiyey ayaa yidhi: “Bandhiggii uu sameeyey Fraser Forster ciyaartii aanu la dheelnay kooxdiisu waqti dheer ayaa laga hadlay. Waxa jirtay hal ciyaar oo aanu tagnay Scotland, laakiin Fraser Forster ma ahayn qof binu-aadam ah, waxa uu sameeyey bandhiggii ugu fiicnaa ee goolhayenimo.”

Toddoba jeer oo uu Lionel Messi kubadda ku toogtay, qaarkoodna kula baxay kubadda ayaa uu Fraser Forster badbaadiyey, waxaana markii ay ciyaartu dhamaatay uu Lionel Messi u tegay Fraser Forster oo uu ku yidhi: ‘The Great Wall of Glasgow”.

1 Comment

  1. markaa tababaraha aad sheegaysaan mee?
    meeshan qofka mar soo booqdaan mar labaad ma imanayo waayo ciwaankiina iyo qoraalku isma laha weligood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*