Man United Oo Heshay Tababare Cusub, Arsenal Oo Luminaysa Xiddig Muhiim Ah, Bruno Fernandes Oo Helaya Lacag Badan Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Newcastle United ayaa doonaysa inay £15 milyan oo Gini ka bixiso goolhayaha Arsenal ay kaydka dhigtay ee Aaron Ramsdale. (Telegraph)

Labada kooxood ee Premier League ee Crystal Palace iyo Fulham ayaa si dhow ula socda xaaladda 27 jirka reer Morocco ee Sofyan Amrabat ee amaahda ku jooga Manchester United. (Sun)

Manchester United ayaa loo sheegay inay tababaraheeda cusub u magacowdo macallinkii ay Juventus eriday ee Massimiliano Allegri oo Jimcihii laga eryay Old Trafford. (Express)

Bayern Munich ayaa waxa ay isku taxalujinaysaa sidii ay ugu qancin lahayd tababaraha Brighton ee Roberto de Zerbi si uu ugu beddelo Thomas Tuchel oo shaqada ka teya toddobaadkan. (Bild)

Manchester United waxa ay doonaysaa inay bixiso £55 milyan oo Gini, si ay u hesho difaaca reer England ee Jarrad Branthwaite oo ah 31 jir u ciyaara Everton, laakiin kooxdiisa Everton ayaa dalbanaysa illaa £80 milyan oo Gini. (Mail)

AC Milan ayaa niyad-samaan ka qabta inay la saxeexan doonto weeraryahanka reer Netherlands ee Joshua Zirkzee oo 22 jir ah, balse waxa ay tartan kala kulmaysaa Arsenal oo dhinaceeda u doonaysa. (Calciomercato)

Tababaraha kooxda Lens ee Flanck Haise ayaa dalbaday in loo keeno difaaca reer France ee Raphael Varane oo toddobaadkan shaaciyey inuu ka tegayo Manchester United, laakiin waxa uu ka doonayaa inuu hoos u dhigo mushaharkiisa. Varane oo ay da’diisu tahay 31 jir ayaa xirfaddiisa kasoo bilaabay kooxdan. (L’Equipe)

Real Madrid waxa ay heshiis la gaadhay ruug-caddaaga reer Croatia ee Luka Modric oo ogolaaday inuu sannad kale sii joogo Santiago Bernabeu, sidoo kalena uu dhimo mushaharka uu qaato. (Mundo Deportivo)

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*