Lionel Messi Oo Sheegay Koox Premier League Ah Oo Ciyaartoyda Barcelona Ay Xataa Ka Neceb Yahay Real Madrid


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa qiray in ciyaartoyda Barcelona ay aad u necbaayeen horyaalka Premier Ldague marka loo eego kooxda ay cadaawaddu ka dhaxayso ee Real Madrid, isla markaana uu isagu ku jiray xiddigaha aan waligood ku fikirin inay Ingiriiska ka dheelaan.

Lionel Messi oo kooxda koowaad ee Barcelona ka mid noqday isaga oo 18 jir ah sannadkii 2016 oo uu u saftay ciyaar Champions League ahayd oo u dhaxaysay Barcelona iyo Real Madrid oo guul soolaabasho taariikhda gashay ay ku sameeyeen Stamford Bridge, ayaa waxa uu hadda caddeeyey sida ciyaartoyda Barcelona ay u arkaan horyaalka Premier League.

Ciyaartaas oo Jose Mourinho uu aad uga cadhooday go’aan qalad ahaa oo garsoore Anders Frisk uu casaan siiyey Didier Drogba lugtii labaad, ayaa waxa sannadkii xigta uu Messi ahaa mid ka mid ah xiddigihii adhaxda ka jabiyey markii ay wareegga 16ka iskugu yimaaddeen Chelsea.

Waraysi uu bixiyey Lionel Messi ayaa lagu weydiiyey sida ay ciyaartoyda Barcelona u arkayeen waqtigaas horyaalka Premier League, waxaanu ku jawaabay: “Waxa jiray ciyaartooyo Barcelona ah oo Chelsea u necbaa si ka badan sida ay u neceb yihiin Real Madrid.

“Aniguba waligay uma malaynayn in hadalkan oo kale la iga maqlayo. Waxa aan arkay wax kasii xun xafiiltanka River Plate iyo Boca ama Brazil vs Argentina.

“Anigu halkii aan uga ciyaari lahaa Chelsea, waxa aan ka doorbidayaa in aan u dheelo Arsenal, Manchester United ama koox kale, halkii aan garoonka soo geli lahaa anigoo u dheelaya Chelsea.”

Inkasta oo aanu shaacin, haddana waxa la xasuusan yahay in Asier Del Horno uu dhaawac culus u geystay Lionel Messi waqtigaas oo uu muddo ka maqnaa garoomada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*