Jose Mourinho Oo Loo Magacaabay Koox Lacag Badan Haysata


Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa loo magacaabayaa koox haysata lacag badan oo diyaar u ah inay ka dhigto macallinka ugu mushaharka badan kubadda cagta, sidoo kalena gacanta ka saari doonta qasnad lacag ah oo uu kusoo iibsado ciyaartooyo waaweyn.

Jose Mourinho oo hore usoo layliyey kooxaha Chelsea, Inter Milan, Real Madrid, Tottenham iyo FC Porto ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii ay Roma shaqada ka eriday horraantii sannadkan, balse waxa uu dhowaan saxaafadda u sheegay inay jiraan dalabyo badan oo soo gaadhay oo uu midka ugu habboon kala bixi doono.

Sida uu ku warramayo wargeyska Daily Mail, Jose Mourinho ayaa qarka u saaran inuu ogolaado inuu noqdo tababaraha kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Qadisiah oo ak mid ah naadiyada ay maamusho shirkadda Shidaalka Sucuudiga, taas oo diyaar u ah inay qasnad lacag ah gacanta ka geliso.

Al-Qadisiah ayaa xilli-ciyaareedkan ku bilaabatay iyadoo uu tababare u yahay weeraryahankii hore ee Liverpool ee Robbie Fowler, balse waxa hadda tababare u ah laacibkii hore ee Real Madrid iyo xulka Spain ee Michel oo toddobaadkii hore kasoo dallacsiiyey heerka labaad.

Wararka ayaa sheegaya, in kooxdan ay gacanta ku hayso shirkadda Aramco ay ka dhisan tahay magaalada Al Khobar ay hadda u dhowdahay in Jose Mourinho ay heshiis la meel-dhigaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*