Xabi Alonso Oo Lumiyey Difaacii Dunidu Isku Haysatay Ee Frimpong – Kooxdee Ayuu Tegayaa?


Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa luminaysa mid ka mid ah xiddigaheeda ugu fiican kaddib markii ay ku guuleysteen horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga, sidoo kalena ay taagan yihiin finalka German Cup iyo Europa League oo toddobaadka dambe ciyaari doonaan.

Tababare Xabi Alonso ayaa la sheegay in uu xaqiiqsaday, in aanay kooxdiisu sii xajisan karaynin oo ay tahay inay beddelkiisa doontaan difaaca reer Netherlands ee Jeremie Frimpong oo ah 23 jir ay kooxo badan oo reer Yurub ah doonayaan, kaas oo qandaraaskiisana lagu burburin karayo 40 milyan oo Euro.

Jeremie Frimpong oo ay doonayaan kooxaha waaweyn ee reer Yurub, sida Bayern Munich, Manchester City, Arsenal, Manchester United iyo Real Madrid ayaa waxa uu go’aankiisa shaacin doonaa marka ay kooxdiisu ciyaarto finalka Europa League iyo German Cup.

Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany, Bayer Leverkusen oo sannadihii ugu dambeeyey lacago badan ka samaysay ciyaartoyda ay iibiso, ayaa waxa ay ogolaan doontaa inay 40 milyan oo Euro ku fasaxaan Frimpong oo isaga oo difaac ah 14 gool u dhaliyey 12 kalena caawiyey 44 ciyaarood oo uu xilli-ciyaareedkan u saftay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*