“Fadlan Ii Keena…” – Cristiano Ronaldo Oo Ka Dalbaday Al Nassr In Loo Keeno Laf-dhabarta Manchester United


Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa usoo jeediyey kooxdiisa in ay la saxeexdaan laf-dhabarta Manchester United oo ay ugu keenaan waddanka Sucuudiga si ay xilli-ciyaareedka dambe iskaga garab dheelaan, waxaana uu u sheegay in ‘wax kasta oo ay ku qaadanayso ay u huraan’.

Ciyaartogan uu Cristiano Ronaldo sidan u doonayo ma aha khadka dhexe ee Brazil ee Casemiro ee ay hore ugu soo wada ciyaareen Real Madrid iyo Manchester United, hase yeeshee waa kabtanka Red Devils ee ay xulka qaranka Portugal u wada dheelaan ee Bruno Fernandes oo shaki la gelinayo mustaqbalkiisa Old Trafford.

29 jirkan oo kabtannimada kala wareegay Harry Maguire xagaagii hore, ayaa qaadanaya xilli-ciyaareedkiisii labaad ee ugu fiicnaa intii uu joogay Man United, waxaana 45 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 15 gool iyo sagaal kale oo uu caawiye ka noqday.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, Cristiano Ronaldo ayaa doonaya in kooxdiisa Al Nassr ay la saxeexato Bruno Fernandes, waxaana uu rumaysan yahay in haddii uu kubbad sameeyahani tago Sucuudiga in ay awoodi doonaan in ay horyaalka Sucuudiga ku guuleystaan.

Cristiano Ronaldo oo horyaalka Sucuudiga tegay January 2023, ayaa waxa uu u saftay 66 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 62 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*