DEG-DEG: Jurgen Klopp Oo Gacanyarihiisii Loo Magacaabay Koox Cusub


Tababare ku-xigeenka Liverpool ee Pep Lijnders ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta RB Salzburg ee waddanka Austria, taas oo uu isagu ka noqon doono macallinka koowaad, kaddib muddo uu ka hoos shaqaynayey Pep Guardiola.

Tababarahan Dutch-ka ah ayaa shaaciyey in uu ka tegi doono dhamaadka xilli-ciyaareedkan oo aanu ka hadhi doonin tababare Pep Guardiola, waxaana uu iska diiday inuu kusii negaado Anfield, isaga oo xusay in uu go’aankiisu yahay in saaxiibkii iyo isaguba ay isku mar soo afjaraan shaqadooda horyaalka Premeir League.

Pep Lijnders ayaa hadda waxa uu si rasmi ah usoo geli doonaa shaqada tababarennimada isawga oo aan gacanyare ahayn, inkasta oo sannadkii 2018 uu ahaa tababaraha kooxda yar ee NEC Nijmegen ka hor intii aanu noqonin tababare ku-xigeenka Liverpool.

41 jirkan ayaa waxa kooxda RB Salzburg kula biiri doona oo ku-xigeen u noqon dooina Vitor Matos oo muddo afar sannadood ah ay wada joogeen Liverpool.

Pep Lijnders oo la hadlay saxaafadda markii uu heshiiska u saxeexay RB Salzburg ayaa yidhi: “Aad baan ugu faraxsanahay in aan noqdo tababaraha koowaad ee FC Red Bull Salzburg. Sharaf ayay ii tahay in aan halkan joogo. Kaddib PSV Eindhoven, FC Porto iyo Liverpool, hadda waxa aan usoo dhaqaaqayaa koox kale oo cajiib ah oo leh qaab-dhismeed wanaagsan isla markaana diiradda saarta kobcinta ciyaartoyda da’yarta ah.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*