Real Madrid Oo Lagu Qasbay Inay £5 Milyan Oo Gini Siiso Koox Premier League Ah Kaddib Markii Ay Usoo Gudbeen Finalka Champions League


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu qasbayaa inay bixiso lacag dhan £5 milyan oo Gini oo ay u shubto koox Premier League ah kaddib markii ay iska xaadirisay finalka Champions League oo ay June 1 garoonka Wembley kula ciyaari doonto Borussia Dortmund.

Toddobaadkii hore, laba gool oo uu waqti dambe garoonka Santiago Bernabeu ugu dhaliyey Joselu ayay Real Madrid guul 2-1 ah kaga gaadhay Bayern Munich, waxaanay ugu soo baxday finalka Champions League.

Madrid ayaa u dagaallami doonta inay markii 15aad ku guuleysato tartanka Champions League marka ay ka hor tagto Borussia Dortmund, laakiin ka hor inta aanay guul iyo khasaare finalka ah dhadhaminin, waxa laga doonayaa inay bixiso lacag dhan £5 milyan oo Gini oo ayu shubi doonto kooxda horyaalka Premier League ee Chelsea.

Sida uu ku warramayo wargeyska The Telegraph, Chelsea ayaa ay Real Madrid ka heli doontaa lacag dhan £5 milyan oo Euro oo ah gunnadii uu dhigayey heshiiskii Eden Hazard oo xagaagii sannadkii hore si xor ah uga tegay.

Real Madrid ayaa sannadkii 2019, waxa ay £130 milyan oo Gini oo £40 milyan oo ka mid ah ay ku xidhnaayeen guulaha uu la gaadho ay Eden Hazard kagala soo wareegtay Chelsea, hase yeeshee October 2023 ayay Real Madrid kansashay heshiiska Hazard oo uu sannad ka hadhsanaa.

Heshiiska ayaa qodobbada ku jiray waxa ka mid ahaa, in Madrid ay £5 milyan oo Gini bixinayso mar kasta oo ay ku guuleysato Champions League muddada shanta sannadood ah ee heshiiskii ay waqtigaas la gaadhay Hazard oo ku ekaa dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*