Waqtiga Ay Luka Modric Iyo Toni Kroos Shaacinayaan Go’aanka Mustaqbalkooda Oo La Ogaaday


Rukunnada Real Madrid ee Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa la ogaaday waqtiga ay shaacinayaan go’aanka mustaqbalkooda iyadoo heshiisyada ay kula jiraan kooxda reer Spain ay ku egyihiin bisha June ee foodda inagu soo haysa.

Real Madrid oo hadda isku diyaarinaysa finalka Champions League kaddib markii ay ku guuleysatay horyaalka Spain ee LaLiga iyo sidoo kale Spanish Super Cup, ayaa waxa kaliya oo xilli-ciyaareedkan ka baxsaday koobka Copa del Rey oo ay qaadday Athletic Bilbao, ayaa waxa la filayaa in uu isbeddel badan ku dhaco ciyaartoydeeda.

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ayaa la filayaa in usbuucyada soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqo heshiiskiisa Real Madrid, sidoo kalena waxa Los Blancos ay soo dhoweyn doontaa weeraryahanka reer Brazil ee Endrick marka la gaadho bisha July.

Dhinaca kale, waxa Real Madrid ay lumin doontaa ciyaartooyo uu ugu horreeyo kabtankeeda Nacho Fernandez oo la sheegay inuu go’aan ku gaadhay inuu si xor ah ku baxo, halka mar horeba la xaqiijiyey in goolhaye Kepa uu dib ugu noqon doono Chelsea oo ay amaah kaga soo qaateen.

Waxa kale oo go’aan laga gaadhi doonaa Joselu oo loo badinayo Real Madrid aanay dhaqangelin doonin heshiiskii amaahda ahaa ee ay kagala soo wareegtay Espanyol ee dhigayay inay 1.5 milyan oo Euro si rasmi ah ugu iibsan karayaan.

Lucas Vazquez iyo goolhaye Andriy Lunin ayaa iyagana ay dhamaad yihiin qandaraasyadoodu, waxaase loo badinayaa in labaduba ay heshiisyo cusub saxeexi dooinaan.

Labada ciyaartoy ee la sugayo go’aankooda ayaa ah Luka Modric iyo Toni Kroos oo la sheegay in go’aanka mustaqbalkooda ay shaacin doonaan kaddib finalka Champions League ee Borussia Dortmund ay ku kala calaf qaadi doonaan garoonka Wembley ee magaalada London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*