Manchester City mise Arsenal? Micah Richards, Jamie Redknapp iyo Daniel Sturridge Oo Saadaaliyey Ciyaaraha Ugu Dambeeya Horyaalka Premier League Ee Kala-baxa


Micah Richards, Jamie Redknapp iyo Daniel Sturridge ayaa dhamaantood saadaal isku mid ah ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanay isku raaceen in Manchester City ay ku guuleysan doonto markii afraad oo xidhiidh ah.

Manchester City ayaa xalay dib ula wareegtay hoggaanka horyaalka markii ay 2-0 kaga adkaatay Tottenham, waxaana labada goolba u dhaliyey Erling Haaland oo meel sii dhigtay kabta dahabka ah xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah isaga oo haysta 27 gool oo horyaalka ah.

Pep Guardiola ayaa kooxdiisu ay laba dhibcood ka sarraysaa Arsenal iyadoo horyaalkana lasoo gabogabaynayo Axadda oo ay Man City la dheeli doonto West Ham, halka Arsenal ay la ciyaarayso Everton.

Micah Richards, Jamie Redknapp iyo Daniel Sturridge oo xalay falanqayn toos ah ka samaynayey telefishanka Sky Sports markii ay soo dhamaatay ciyaartii Man City iyo Tottenham, ayaa waxa uu mid walba shakiga ka saaray naftiisa oo uu ka badheedhay kooxda horyaalka ku guuleysanaysa.

Saddexdooduba waxa ay isku raaceen, in inkasta oo wax kasta ay ka dhici karayaan kubadda cagta in haddana West Ham aanay ahayn koox qaban karaysa Manchester City taas daraadeedna uu horyaalku meel u yaallo Manchester City, halka Arsenal ay xilli-ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah ku dhamaysanayso kaalinta labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*