Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Maanta Oo Arbaco Ah


Bayern Munich ayaa isha ku heysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes xagaagaan, waxaana ay aaminsan yihiin inay heli karaan 29 jirka reer Portugal, sababtoo ah jahwareerka sii kordhaya ee Old Trafford. (Independent)

Dhawr ka mid ah ciyaartoyda ugu sareysa Bayern Munich oo uu ku jiro weeraryahanka England Harry Kane, oo 30 jir ah, ayaa doonaya in tababare Thomas Tuchel uu bedelo maankiisa islamarkaana uu la sii joogo kooxda Jarmalka. (Abendzeitung)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay 55 milyan ginni ku dalbato daafaca dhexe ee Everton 21 jirka Jarrad Branthwaite (Daily Mail).

Daafaca Netherlands Jeremie Frimpong, oo 23 jir ah, ayaa u janjeera inuu ka tago Beyer Leverkusen xagaaga iyadoo Real Madrid, Manchester City, Arsenal iyo Manchester United ay dhamaantood doonayaan inay ka faa’ideystaan 35 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. (Bild)

Arsenal iyo Manchester City ayaa xiriir la sameeyay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle United iyo Brazil Bruno Guimaraes, oo 26 jir ah, iyagoo inay u dhaqaaqaan xagaaga. (Caughtoffside)

Tababaraha Brentford Thomas Frank ayaa si weyn ugu tartamaya shaqada Manchester United haddii ay ceyriyaan tababare Erik ten Hag. (Telegraph)

Napoli ayaa u soo bandhigtay tababarihii hore ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham Antonio Conte lacag dhan £5.6m sanadkii si uu u noqdo macalinkooda xiga laakiin AC Milan ayaa qaboojisay xiisihii ay u qabtay 54 jirka reer Italy. (Sport Italia)

AC Milan ayaa raadineysa daafac cusub oo garabka midig ah, 25 jirka daafaca uga ciyaara Tottenham iyo Brazil Emerson Royal ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay doonayaan. (Fabrizio Romano)

Manchester United ayaa isku dayaysa in ay Newcastle United ka afduubato saxiixa 26 jirka daafaca uga ciyaara Fulham ee Tosin Adarabioyo (Talksport).

Liverpool ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto xiddiga khadka dhexe ee kooxda Nice iyo xulka qaranka France ee Khephren Thuram, oo 23 jir ah, waxaana ay kula soo wareegi karaan 13 milyan ginni xagaagan. (Mirrro)

Juventus ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo tababare Massimiliano Allegri dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Rudy Galetti)

Aston Villa ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Isbaanishka Gabri Veiga ka dib markii 21-jirka Al-Ahli uu sheegay inuu aad u xiiseynayo inuu dib ugu laabto Yurub xagaaga. (Givemesport)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*