Koox Champions League Ka Ciyaareysa Oo La Wareegeysa Kabtanka Man United Bruno Fernandes


Bayern Munich ayaa u dhaqaaqeysa soo xerogelinta Bruno Fernandes xagaagan iyagoo aaminsan inuu ku jahwareersan yahay kooxdiisa haatan ee Man United sida ay qortay jariirada Independet.

Waxaa sidoo kale jira dareen ah in madaxada Old Trafford ay iyagana diyaar u yihiin inay iibiyaan kabtankooda madaama ay u baahan yihiin inay ciyaartooy isku iibiyaan si ay ugu hogaansamaan sharciga dhaqaale wanaaga Premier League.

Haddii Bayern Munich ay la soo wareegto Bruno Fernandes waxay keeni kartaa inay ku qanciyaan tababare Thomas Tuchel inuu kooxda sii joogo madaama uu doonayay ciyaaryahan hal abuur leh xilli ciyaareedkan iyadoo xiddiga reer Portugal uu yahay laacib uu rabo Tuchel.

Bayern ayaa dooneysa inay isbedel ku sameyso kooxdeeda iyagoo ku soo kordhinaya ciyaartooy cusub, waxaana liiskooda haatan ugu horeeya Fernandes.

Kubadsameeyahaan oo 29 sanno jir ah ayaa ku xaniban Old Trafford, wuxuuna doonayaa inuu koobab ku guuleysto ka hor inta uusan gelin qeybaha danbe ee waayihiisa ciyaareed.

Fernandes ayaa ka mid ah saxiixyadii faro ku tiriska ahaa ee ay Man United sameysay 11kii sannadood ee ugu danbeeyay ee lagu najaxay, laakiin xiddiga reer Portugal ayaa doonaya inuu tartan cusub galo oo uu koobab ku guuleysto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*