Maxay Tahay Arrinta Uu Joe Cole Ka Raalligeliyey Arsenal Kaddib Guushii Maanta Ee Bournemouth?


Halyeyga Chelsea ee Joe Cole ayaa raalligelin buuxda siiyey taageereyaasha Arsenal intii ay socotay ciyaartii ay Gunners 3-0 ku garaaceen Bournemouth ee ka dhacday garoonka Emirates Stadium.

Joe Cole ayaa iyadoo laga maqlayo telefishanka oo si toos ah hawada ugu jira, waxa uu raalligeliyey jamaahiirta Arsenal ee uu sida adag ula xafiiltami jiray waqtigii uu u ciyaari jiray Blues.

Arsenal ayaa libin weyn ka gaadhay ciyaar adag oo ay marti ugu ahayd Bournemouth, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Bukayo Saka, Leandro Trossard iyo Declan Rice, taas oo keentay inay si ku-meelgaadh ah afar dhibcood uga sarreeyaan Man City oo iyaduna la ciyaaraysay Wolves oo qaybtii horeba ay saddex gool ka dhalisay, isla markaana hal dhibic kusoo koobtay farqiga Arsenal.

Joe Cole ayaa kaddib ciyaartii ay Arsenal 5-0 ku xasuuqday Chelsea, waxa uu saxaafadda u sheegay in dabbaal-deggii ay sameeyeen ciyaartoyda Arsenal uu ahaa mid ka badbadis ah oo ay u muuqanayeen inay horyaalka ku guuleysteen oo kale, balse maanta ayuu hadalkaas raalligelin ka bixiyey.

Hadalka Joe Cole ayaa waxa ka cadhooday taageereyaasha Arsenal, waxaana uu go’aansaday inuu raalligelin siiyo, isaga oo yidhi: “Isma aanan lahayn waad ku geyfaysaa, laakiin hadda raalligelin ayaan siinayaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*