Real Madrid Oo 14 Dhibcood Ku Qabatay Hoggaanka Horyaalka LaLiga & Waqtiga La Guddoonsiinayo Koobka


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 14 dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, kaddib markii ay guul 3-0 ah ka gaadheen Cadiz oo marti ugu ahayd garoonkooda Santiago Bernabeu, waxaanay isku diyaarinayaan kaliya waqtiga dabbaal-degga oo saacado kaddib noqon karaysa.

Real Madrid ayaa waxa horyaalka ay ku guuleysan doonaan isla caawa haddii Barcelona ay barbarro la gasho Girona amaba ay guul-darraystaan, laakiin waxa dib ugu dhigteen dabbaal-deggooda toddobaadka dambe.

Saddex gool oo qaybtii dambe ay kala dhaliyeen Brahim Diaz, Jude Bellingham iyo Joselu ayaa Real Madrid siiyey libin sahlan oo qaybta labaad ay gacanta ku dhigeen, taas oo usii dheeraysay hoggaanka horyaalka LaLiga.

Ciyaartan oo bilowgii ay Cadiz heshay fursado dahabi ahaa oo ay qaarkood goolhayaha ula tageen kubadda, ayaa waxa uu Carlo Ancelotti ku sameeyey isbeddello badan isaga oo nasiyey ciyaartoydiisa muhiimka ah oo uu usii dhigtay kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich ee Arbacada.

Thibaut Courtois ayay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu u ciyaaro Real Madrid xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena waxa kulankiisii koowaad kusoo bilowday Eder Militao iyadoo labadooduba ay kasoo noqdeen dhaawacyo jilibka ahaa oo bilowgii xilli-ciyaareedka soo gaadhay.

Difaaca Brazil ee Eder Militao ayaa darbad xooggan oo uu ka tuuray bannaanka waxa iska soo celiyey goolhaye Conan Ledesma, balse waxyar kaddib ayaa uu badbaadintaas oo kale sameeyey Thibaut Courtois.

Daqiiqaddii 51aad ayuu Brahim Diaz ciyaarta ku furay gool qurux badan oo uu bannaanka ka toogtay kubbad uu dhinaca fog ee birta agteeda ku toogtay, taas ayaana noqotay furaha ciyaarta.

Jude Bellingham oo beddel kusoo galay ayaa dhaxda ka helay baas qaldan oo ay bixiyeen ciyaartoyda Cadiz, waxaana uu u dhiibtay Luka Modric oo isaguna usii gudbiyey Brahim Diaz oo goolka hortiisa usoo dhigay Bellingham oo orod ku yimid, isla markaana kubbadda ku leexiyey goolka, sidaasna ciyaarta kaga dhigay 2-0.

Joselu Mato oo fursado badan lumiyey, ayaa daqiiqaddii 90+3 waxa uu keentay goolka saddexaad isaga oo dhamaystiray hadiyad uu ka helay Nacho Fernandez, waxaanay sidaas ciyaartu ku noqotay 3-0.

Real Madrid waxay hadda haysataa 87 dhibcood, waxaanay 14 dhibcood ka horreysaa Barcelona oo haddii caawa laga badiyo amaba ay barbarro gasho sababi doonta in Madrid ay horyaalka ku guuleysato isla caawa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*