Afartii Rikoodh Ee Loo Diiwaangeliyey Arsenal, Xiddigii Garoonka Ee Waqtiga Dambe Is-muujiyey Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Arsenal vs Bournemouth


Arsenal ayaa mar kale afar dhibcood ku qabatay hoggaanka horyaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay 3-0 ku garaacday Bournemouth oo kusoo booqatay Emirates Stadium, laakiin Manchester City ayaa haysata fursad ay kusoo yarayn karto farqiga dhibcahaas.

Bukayo Saka ayaa rikoodhe ku furay ciyaarta qaybtii hore, ka hor intii aanay Leandro Trossard iyo Declan Rice saxeexin labada gool ee kale.

Afartii rikoodh ee laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • David Raya waxa uu si rasmi ah ugu guuleystay abaal-marinta goolhayaha ugu wanaagsan horyaalka Premier League ee Golden Glove, isaga oo 15 ciyaarood oo horyaalka ah shabaqiisa nadiif ka dhigay, waxaana hadda uu ku siqayaa inuu soo qabto rikoodhkii ugu badnaa oo uu xilli-ciyaareedkii 2015/16 dhigay Petr Cech oo 16 ciyaarood aan wax goolal ah laga dhalinin.
  • Arsenal waxa ay guuleysatay 14 ka mid ah 16kii ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo ay dheeshay sannadkan 2024. Labada ciyaaroodna waxa ay ahaayeen mar barbarro ah iyo hal kulan oo laga badiyey. Waxa ay muddadaas dhaliyeen 51 gool, halka iyagana laga dhaliyey siddeed gool oo kaliya. Gunners waxa ay sidaas ku noqotay kooxda ugu guulaha badna tan iyo markii uu curtay sannadkani, waxaanay guuleysteen 43 jeer.
  • Dhamaan tobankii ciyaartoy ee gudaha garoonka ku jiray (goolhayaha ayaa laga reebay) waxa ay isku dayeen inay ugu yaraan min hal jeer toogtaan goolka Bournemouth. Waa markii ugu horreysay ee ay sidaas ka samayso Arsenal horyaalka Premier League tan iyo January 2022, waqtigaas oo ay la dheeleen Burnley.
  • Iyadoo laba ciyaarood u hadhsan yihiin, Arsenal waxa ay barbarraysay rikoodhka guulahoodii ugu badnaa ee xilli-ciyaareedkii hore ee Premier League oo ay 26 jeer badiyeen. Kaliya waxa ay intaas in ka badan guuleysteen xilli-ciyaareedyadii 1930/31 iyo 1970/71.

Xiddigii garoonka

Declan Rice oo gool dhaliyey, mid kale caawiyey sidoo kalena sameeyey isku-dayo badan oo kale ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta. Waxa kusoo dhowaa qiimaynta kulanka Martin Odegaard, Bukayo Saka, William Saliba iyo Kai Havertz.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Arsenal: Raya (7), White (7), Saliba (8), Gabriel (7), Tomiyasu (7), Partey (7), Odegaard (8), Rice (9), Saka (8), Trossard (7), Havertz (8).

Beddelka: Martinelli (7), Jesus (7).

Bournemouth: Travers (7), Smith (6), Senesi (6), Zabarnyi (6), Ouattara (6), Cook (6), Christie (6), Kluivert (7), Scott (6), Semenyo (6), Solanke (6).

Beddelka: Billing (6), Unal (6), Faivre (6), Billing (6).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*