DEG-DEG: Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Bayern Munich Maalmo Ka Hor Ciyaarta Real Madrid


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa uu usoo yeedhay war naxdinleh maalmo ka hor ciyaarta lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee ay martida u noqon doonaan Real Madrid oo ay ugu tegayaan Santiago Bernabeu.

Daqiiqaddii 16aad ee ciyaartii Bayern Munich ay martida u ahayd Stuttgart ayaa waxa garoonka ka baxay laacibka reer Portugal ee Raphaël Guerreiro oo u baahday in dhakhaatiirtu ay garbaha qabtaan si uu garoonka uga bixi karo.

Raphaël Guerreiro oo kusoo bilowday labadii ciyaarood ee Arsenal ee wareeggii siddeedda Champions League iyo lugtii hore ee semi-finalka ee ay Real Madrid barbarraha 2-2 kusoo galeen garoonka Allianz Arena ayaa Bayern Munich ay sawirro ka qaadi doontaa 24ka saacadood ee soo socda, ka hor inta aan la go’aaminin nooca dhaawaciisa iyo muddada uu maqnaanayo.

30 jirkan oo uu dhaawac kasoo gaadhay kubbad uu isku dhigayey oo kaga dhacday lugtiisa oo aan dhulka haysanin, ayaa dhaawaciisu uu imanayaa iyadoo ay kooxdiisu Arbacada toddobaadkan la ciyaari doonto Real Madrid lugta labaad ee semi-finalka Champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*