DEG-DEG: Koox 22 Sannadood Ka Maqnayd Horyaalka Premier League Oo Soo Dallacday & Bilyaneerka Ay Lacagtiisu Shaqayn Weyday


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedka dambe waxa kasoo muuqan doonta koox muddo 22 sannadood ah ka maqnayd, taas oo ay dabbaal-degyo waaweyn bilaabeen taageereyaasheedu halka koox kale oo uu leeyahay maalqabeen lacagtiisu bilyanno gaadhayso ay heerka saddexaad u dhacday.

Kooxda kubadda cagta Ipswich Town ayaa usoo dallacday horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay xilli-ciyaareedkii 2001/01, kaddib markii ay maanta 2-0 kaga adkaatay Huddersfield Town, waxaanay sidaas ku noqotay kooxdii labaad ee heerka labaad ka timaadda xilli-ciyaareedkan.

Hore waxa usoo dallacday Leicester City oo hal-xilli ciyaareed ka maqnayd Premier League, waxaana maanta dariiqaas soo martay Ipswich oo inta badan taageereyaasheeda da’yarta ah aanay arag iyadoo kooxdoodu ka dheelayso horyaalka Premier League.

Waxa kooxdan hadda soo dallacday tababare u ah macallinkii Manchester United ka tegay ee Kieran McKenna oo ka hoos shaqeeyey tababareyaal dhawr ahaa, sidoo kalena da’yarta Red Devils laylin jiray.

Kieran McKenna ayaa hore waxa uu kooxdan uga soo dallacsiiyey heerka saddexaad xilli-ciyaareedkii hore, waxaanay horyaalka Chamionship ee heerka labaad, halka maantana uu usoo dallacsiiyey heerka koowaad oo ah horyaalka Premier League.

Xilli-ciyaareedka dambe ayaa waxa uu heli doonaa fursad uu kaga hor tago kooxdiisii hore ee Manchester United ee sdiin weyday fursad uu ku noqdo tababaraha koowaad.

Dhinaca kale, kooxda uu bilyaneerku leeyahay ee Birmingham City ayaa ka dhacday sallaanka horyaalka heerka labaad ee Championship, waxaanay u daadageen heerka saddexaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*