Arsenal Oo AFAR Dhibcood Ku Qabatay Hoggaanka Premier League Iyadoo LABA Ciyaarood U Hadhsan Yihiin


Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii dheeraysatay hoggaanka horyaalka Premier League oo ay ku qabatay afar dhibcood oo ay ka sarrayso kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City oo laba ciyaarood gacanteeda ku jiraan.

Saddex gool oo uu midkood rikoodhe ahaa oo ay kala dhaliyeen Bukayo Saka, Leandro Trossard iyo Declan Rice ayaa Arsenal siiyey guul 2-0 ah oo ay ka gaadheen Bournemouth oo marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium.

Ciyaartan oo ay hadheeyeen muranno ka dhashay go’aamo uu qaatay garsooraha VAR oo sababay rikoodhihii Gunners loo dhigay qaybta hore ee uu goolka u beddelay Bukayo Saka, ayaa waxa Arsenal ay ugu sii dhowaatay dhamaadka xilli-ciyaareedka iyadoo afar dhibcood haysata.

Arsenal oo ahayd kooxda inta badan maamulaysay ciyaarta, ayaa bilowgiiba cadaadis aan kala joogsi lahayn saartay goolka Bournemouth waxaana fursado dahabi ahaa helay Kai Havertz, ka hor intii aanu Declan Rice luminin kubbad qof walba uu u qaatay inay gool tahay oo uu goolka hortiisa ka helay isaga oo kalidii ah balse uu birta dhinac mariyey.

Ciyaartan oo intii ay socotay labada kooxoodba laga diiday min hal gool oo ay VAR go’aankeeda gaadhay, ayaa waxa qaybta hore oo sii dhamaanaysa waxa Arsenal loo dhigay rikoodhe uu sababay qalad uu goolhaye Travers ku galay Kai Havertz, waxaana qaladkan isla qaatay garsooraha dhexe iyo VAR, inkasta oo ay dood badan ka dhalatay.

Bukayo Saka ayaa kubadda soo qaatay oo gool u beddelay daqiiqaddii 43aad, waxaana uu goolkani noqday midkii 16aad ee uu laacibka reer England dhaliyo xilli-ciyaareedkan.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Bournemouth u muuqanaysay inay barbarro keeni doonto, waxaana ay sameeyeen dhawr fursadood oo fiican oo ay kubadda garbaha ku tuureen isla markaana ku heleen koorneyaal.

Leandro Trossard ayaa Arsenal cidhiidhiga ka saaray daqiiqaddii 70aad, markaas oo uu dhamaystiray kubbad uu ka helay Declan Rice oo uu ciyaarta kaga dhigay 2-0.

Waxyar kaddib ayay Bournemouth dhalisay gool, laakiin garsooraha dhexe ayaa markiiba diiday oo sheegay in qalad lagu galay goolhaye Raya, waxaana go’aankan ku waafaqay garsooraha VAR oo laba daqiiqadood marba dhinac ka hubinayey.

Gabriel Martinelli oo beddel kusoo galay ayaa orod kula galay goolka kubbad uu kala yimid dhinaca bidix, balse waxa kasoo gaadhay difaaca oo ka saaray.

Arsenal ayaa keentay gool qurux badan oo uu u dhaliyey difaaca reer Brazil ee Gabriel Magalhaes oo darbad xooggan ka tuuray xerada ganaaxa dhaxdeeda, balse markii uu dabbaal-degga bilaabay ayaa uu arkay calanka oo dhinaca ka taagan oo offside sheegaya. VAR oo laga soo hubiyey ayaa ku raacday go’aanka garsooreyaasha gudaha.

Daqiiqaddii 90+7 ayaa Arsenal ay keentay goolka saddexaad oo uu u dhaliyey Declan Rice oo dabbaal-deg ciyaarta ugu dhameeyey kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*