Taageereyaasha Kubadda Cagta Oo Ku Kala Qaybsantay Rikoodhihii Loo Dhigay Arsenal Ee Goolka Koowaad


Taageereyaasha kubadda cagta ayaa ku kala qaybsamay rikoodhihii sababay goolkii koowaad ee Arsenal ay ka dhalisay Bournemouth, taas oo loo dhigay Kai Havertz oo kubbad la galay xerada ganaaxa uu goolhayuhu isku soo tuuray oo uu lugta u dhigay.

Garsooraha dhexe ayaa markiiba tilmaamay inay tahay rikoodhe, waxaana ku faafaqday VAR iyadoo uu Bukayo Saka gool u beddelay.

Qaladkan oo dhacay daqiiqaddii 41aad ee dhamaadka qaybta hore, ayaa waxa muuqaalladu ay muujiyeen in lugta goolhaye Mark Travers aanay ku dhicin oo aanay taabannin lugta midig ee Kai Havertz, laakiin uu weeraryahanka reer Germany si badheedh ah lugtiisa bidix u jiidsiiyey lugta goolhaye Travers.

Garsoore Coote oo fadhiyay VAR ayaa si weyn loogu canaantay inuu ogolaaday rikoodhahan, iyadoo waqti dambena uu diiday gool ay qaybta labaad dhalisay Bournemouth oo uu Dominik Solanke cidhiidhyey goolhaye David Raya.

Falcelin badan ayaa go’aanka rikoodhuhu uu ka abuuray baraha bulshada, waxaana falcelinta laga bixiyey ay muujisay in go’aankaasi uu ahaan doono mid ay dood ka taagnaan doonto. muddo dheer.

Halkan ka daawo rikoodhaha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*