Manchester City Oo Xasuuq U Geysatay Wolves Ayaa Hal Dhibic Usoo Jirsatay Arsenal


Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa xasuuq ay u geysatay Wolves waxa ay hal dhibic ugu soo jirsatay Arsenal oo guul ay maanta ka gaadhay Bournemouth afar dhibcood kagala hormartay.

Erling Haaland ayaa go’aamiyey guusha Manchester City oo dhaliyey dhamaan afarta goolba, kuwaas oo qaybtii hore uu is-raaciyey saddex gool halka qaybta labaadna uu ku daray goolka afraad, halka gool kalena uu waqti dambe raaciyey Julian Alvarez oo ciyaarta ka dhigay 5-1.

Manchester City oo ogsoon in haddii ay dhibco lumiyaan ay horyaalkana waayi karayaan ayaa kusoo gashay shax xooggan oo weerar ku dhisan, waxaana bilowgiiba ay weerarro aan kala joogsi lahayn ay ku ekaysay goolka waxaana ay ka midho dhaliyeen intii aanay u bixin waqtiga nasashada oo ay guushooda meel sii dhigteen.

Daqiiqaddii 12aad ayaa Manchester City loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Erling Haaland oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Jose Sa, ka hor intii aanu madax ku dhalinin kubbad uu meel fog kasoo tuuray Rodri.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray qaybta hore ayaa Erling Haaland loo dhigay rikoodhe isaga qaladka lagu galay isaga oo ku jira xerada ganaaxa, waxaana uu darbad xooggan weydaariyey goolhaye Sa oo noqday geesi aan garab haysanin, iyadoo qaybta horena kusoo dhamaatay 3-0.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayey Wolves miciyo iska baadhay, waxaanay keentay gool madi ahaa oo uu u saxeexay Hee-Chan Hwang, balse goolkiisu ma ahaannin mid wax ka beddela ciyaarta.

Isla markii kubadda badhtamaha garoonka lasoo dhigay ayay Manchester City kubadda u tuurtay Haaland oo ka daba baxay difaaca, waxaana uu usii gooyey difaac ka hor intii aanu bannaanka ka toogan kubadda, sidaasna waxa uu ciyaarta kaga dhigay 4-1.

Julian Alvarez oo beddel kusoo galay ayaa saxeexay goolka shanaad ee Manchester City, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 5-1 ay guushu ku raacday Manchester City.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Manchester City ay yeelatay 82 dhibcood oo ay hal dhibic kaliya ka dambayso Arsenal oo hoggaanka haysa, laakiin Man City waxa baaqi u ah saddex ciyaarood halka Arsenal ay laba ciyaarood oo kali ahi u hadhsan yihiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*