Sababta Aanay Real Madrid U Dabbaal-degi Doonin Haddii Ay Maanta Ku Guuleysato Horyaalka LaLiga Oo La Shaaciyey


Kooxda kubadda cagta Real Madrid waxa ay maanta ku guuleysan kartaa horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, haddii ay galabta ka adkaadaan Cadiz, sidoo kalena ay dhibco lumiso Barcelona oo fiidka la dheeli doonta Girona oo marti u noqon doonta Girona.

Horyaalka waddanka Spain ayaa la dheelayaa kulamadii 34aad usbuucan, waxaana ay Real Madrid hoggaanka ku haysaa 11 dhibcood oo nadiif ah, taas oo ka dhigan in haddii maanta ay guuleystaan sidoo kalena la qabto Barcelona ay horyaalka ku guuleysteen.

Real Madrid oo hore ugu soo guuleysatay tartanka Spanish Super Cup bishii January, ayaa waxa ay hadda isku diyaarinaysaa dabbaal-degga horyaalka LaLiga, halka tartanka Champions League ay marayaan semi-finalka Champions League oo lugtii hore ay barbarro lasoo galeen Bayern Munich.

Los Blancos ayaa waxa ay go’aansatay, in xataa haddii ay maanta ku guuleysato horyaalka LaLiga in aanay dabbaal-degin sababtoo ah waxa ay ka mashquuli doonaan u diyaargarowga lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich.

Waxa ay Madrid u dhiganaysaa dabbaal-daggeeda usbuuca dambe oo ay Granada la dheeli doonaan, waxaanay habeennimada kala xidhan doonaan fagaaraha magaalada Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*