Bayer Leverkusen Oo Toddobaadkan Samaynaysa Rikoodh Aanay Cidina Ku Riyoon Karin


Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen waxa ay toddobaadkan haysataa fursad ay ku barbarrayso rikoodh weyn oo ay adag tahay in ay kooxna ku riyooto, kaas oo kaliya hal naadi ay uga horreysay.

October 2022 ayaa Xabi Lonso loo magacaabay Bayer Leverkusen oo beddelay Gerardo Seoane oo waqtigaas ay kooxdiisu ku socotay khadka cas, waxaana ka hooseeyey siddeed kooxood oo kaliya oo aanay dhibco badan u dhaxaynin.

Alonso oo isbeddel degdeg ahaa ku yeeshay kooxda ayaa waxa uu keenay inay usoo gudbaan Europa League oo ay hadda semi-finalka taagan yihiin, halka horyaalka Bundesliga na ay toddobaadyo ka hor ku guuleysteen markii ugu horreysay taariikhdooda.

Bayer Leverkusen ayaa haddii ay Axadda ka badiso Eintracht Frankfurt waxa ay soo qaban doontaa rikoodhkii kooxda reer Portugal ee Benfica oo intii u dhaxaysay 1963kii illaa 1965kii aan marna laga badinin 48 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo ay dheeleen, waana rikoodhka guul-darro la’aanta ee ugu dheer diiwaangashan.

Leverkusen ayaa waxa aan iyagana dhinacooda dhulka la dhigin 47 ciyaarood oo xidhiidh ah oo dhamaan tartamada ah, waxaana ay rikoodhka Benfica ku barbarrayn karayaan inay barbarro ama badis ka keenaan kulanka Eintracht Frankfurt.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*