Mikel Arteta Oo Shaxdiisii Ugu Adkayd Kala Hor Tegay Bournemouth Si Ay AFAR Dhibcood Hoggaanka Ugu Qabtaan


Mikel Arteta oo ogsoon in ay kooxdiisu afar dhibcood ku qaban doonto hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League haddii ay maanta guuleystaan ayaa waxa uu shaxdiisii ugu adkayd kala hor tegay Bournemouth oo marti ugu ah Emirates Stadium.

Arsenal ayaa haddii ay maanta badiso, waxa u hadhsanaan doona laba ciyaarood oo kaliya, waxaana u taalla inay kulamada hadhay guulo ku dedaalaan iyo inay ku ducaystaan in Man City ay hal kulan kufto oo barbarro ay gasho ama laga badiyo.

Arteta ayaa shax adag usoo xushay kulanka Bournemouth ay kusoo dhoweynayaa garoonka Emirates Stadium, waxaana uu kusoo bilaabay weerarka Kai Havertz, Leandro Trossard iyo Bukayo Saka, iyadoo uu kaydka dhigay labada reer Brazil ee Gabriel Jesus iyo Gabriel Martinelli.

Khadka dhexe ayaa waxa Declan Rice iyo Martin Odegaard ku wehelinay Thomas Partey, halka Gabriel iyo Saliba oo difaaca dhexe ah ay dhinacyada ka xigaan Ben White iyo Tomiyasu.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Arsenal XI: Raya, White, Saliba, Gabriel, Tomiyasu, Partey, Odegaard, Rice, Saka, Havertz, Trossard.

Kaydka: Ramsdale, Zinchenko, Jorginho, Smith Rowe, Vieira, Jesus, Nketiah, Kiwior, Martinelli.

Bournemouth XI: Travers, Smith, Senesi, Zabarnyi, Ouattara, Cook, Christie, Kluivert, Scott, Semenyo, Solanke.

Kaydka: Neto, McKenna, Faivre, Hill, Unal, Billing, Aarons, Kinsey, Sadi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*