Arsenal Oo Weeraryahan Heshay, Tuchel & Man United, Barca & Partey Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga


Tababaraha Bayern Munich Thomas Tuchel ayaa ka mid ah liiska musharaxiinta ay Manchester United dooneyso inay ku bedesho Erik ten Hag haddii uu tababaraha reer Holland baxo xagaaga. (The Times)

Laakiin Tuchel ayaa sidoo kale albaabka u furay sii joogida Bayern Munich kadib xilli ciyaareedkan inkasta oo la shaaciyay bishii February in uu bixi doono. (Florian Plettenburg)

Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa bartilmaameedkiisa ugu sarreeya xagaagan ka dhigtay weeraryahanka Newcastle iyo Sweden Alexander Isak, oo 24 jir ah. (Independent)

Xiddig kale oo ay Arsenal qiimo ku jaban ku heli karto haddii ay waayaan Alexander Isak waa Weeraryahanka RB Leipzig iyo Slovenia Benjamin Sesko, oo 20 jir ah. (Football Transfers)

Arsenal ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la furtay daafaca dhexe ee Brazil Gabriel, oo 26 jir ah, si ay uga hortagto xiisaha kooxaha ugu sareeya Yurub. (Football Insider)

Madaxweyne ku xigeenka Inter Milan Javier Zanetti ayaa soo jeediyay in kooxda heysata horyaalka Serie A laga yaabo inay kula tartanto Manchester United iyo Arsenal saxiixa 22 jirka Bologna ee weerarka ka ciyaara Joshua Zirkzee. (Mirror)

Manchester United ayaa xiriir la sameysay wakiilka xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka France Adrien Rabiot, oo 29 jir ah, kaasoo qandaraaskiisa Juventus uu dhacayo xagaagan. (Team Talk)

Daafaca dhexe ee kooxda Fulham Tosin Adarabioyo, oo 26 jir ah, ayaa u janjeera inuu ku biiro Newcastle marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga. (Mail)

Everton ayaa rajeyneysa inay ku qanciso Jarrad Branthwaite, oo 21 jir ah, inuu sii joogo Goodison Park hal sano oo dheeri ah, laakiin Manchester United ayaa kalsooni ku qabta in dalab 60-70 milyan ginni ah oo ay ku dooneyso daafaca dhexe ee England la aqbali doono. (Football Insider)

Tottenham ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaanaya weeraryahanka Brazil Richarlison, oo 26 jir ah xagaagan. (Telegraph)

Real Madrid ayaa wax ka weydiisay River Plate xog ku saabsan 16 jirka khadka dhexe ee Argentina Franco Mastantuono. (Fabrizio Romano)

Barcelona ayaa bartilmaameedkeeda sare ee suuqa kala iibsiga ka dhigtay xiddiga khadka dhexe ee Arsenal iyo Ghana Thomas Partey, oo 30 jir ah. (Caught Offside)

Manchester City ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Lazio Christos Mandas, iyadoo Manchester United ay sidoo kale xiiseyneyso 22 jirkaan (Corriere dello Sport)

Inter Miami ayaa wadahadalo kula jirta sidii ay u soo xerogelin lahayd xiddigii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid iyo Argentina Angel Di Maria, oo 36 jir ah. (ESPN Argentina)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*