Xiddig Arsenal Oo Lagu Tilmaamay “Khiyanoole” & Garsoorayaasha Oo Loo Sheegay Inay Indho U Lahaadaan


Ben White ayaa lagu tilmaamay “khiyaanoole” madaama uu door muhiim ah ka ciyaaro guulaha Arsenal ee kubadaha koornooyinka iyo laadadka xorta ah.

Daafaca ayaa muhiim u ahaa kooxda Mikel Arteta iyadoo Gunners ay heysato rikoodhka goolasha ugu badan ee lagu dhaliyay koorno ama laad xor ah.

Kulankii ay ka badiyeen Tottenham waxay ku garaaceen kubadaha koornooyinka iyo laadadka xorta ah iyadoo goolkii guusha ee Kai Havertz uu madax ku dhaliyay ay aheyd koorno la soo qaaday.

White ayaa caado ka dhigto inuu horjoogsado goolhayayaasha si uu boos banaan ugu abuuro ciyaartoyda kale ee Arsenal.

Halyeeyga Liverpool Greame Souness oo maqaal uu ku qoray Daily Mail aya sheegay in Ben White uu khiyaanoole yahay, islamarkaana ay tahay inay garsoorayaasha ku ciqaabaan hab dhaqankiisa.

Souness ayaa yiri: “Waxaan maqalnay iyadoo wax badan laga hadlayo sida ay Arsenal ugu fiican yahay kubadaha koornooyinka ah, laakiin waan ka xumahay inaan dabaaldega idiin kaga ciyaaro, labadii gool ee Tottenham looga dhaliyay koornooyinka waxaa la iska indhotiray labo arimood oo aan la arkin. Labadaas gool ma aheyn in la ogolaado.”

Waxa uu qoraalkiisa raaciyay: “Waxaan goob joog u noqoneynaa istiraatiijyad ku talogala h oo ay Arsenal dejisay gaar ahaan Ben White kaasoo iska hordhigaya goolhayayaasha islamarkaana ka fogaanaya inay garsoorayaasha ogaadaan.

“’Ma ahan in lagu amaano inuu ku fiican yahay koornooyinka, sababtoo ah khiyaano ayuu sameynayaa. In ciyaartoyda la is hordhigo waxay noqoneysaa mid soo badatay haatan, waana howl adag oo sugeysa garsoorayaasha.

“Laakiin Arsenal waxay sidaan sameysaa kulan walba, waxaana mar walba sameeya White. In xilli hore la ogaado aayy aheyd. Arsenal taatikadaan waxay bilowday markii ay shaqaaleysiiyeen leyliye koornooyinka ah Nicholas Jover labo xilli ciyaareed ka hor.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*