Jose Mourinho Oo Shaaciyey Sababta Uu U Joojiyey Daawashada Ciyaaraha Chelsea


Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa sharraxay sababta uu u daawan waayey ciyaaraha ay dheelayso kooxdiisii hore ee Chelsea ee uu guulaha badan gaadhsiiyey waqtigii uu macallinka u ahaa.

Jose Mouirnho ayaa laba jeer oo kala duwan tababare u noqday Chelsea, isaga oo laba sannadood oo isku xigay u qaaday horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, sidoo kalena FA Cup iyo laba koob oo League Cup ah ayaa uu ku darsaday doorkiisii koowaad.

‘The Special One’ ayaa kusoo laabtay Chelsea sannadkii 2013 oo uu mar kale u qaaday horyaalka Premier League iyo sidoo kale League Cup, ka hor intii aanu ka tegin sannadkii 2015.

Dhowaanahan ayaa waxa soo baxayay warar sheegaya in uu mar saddexaad kusoo laaban doono Chelsea oo loo magacaabi doono, iyadoo Mauricio Pochettino uu cadaadis badan saaran yahay.

Bishii March ciyaar ay Chelsea barbarro 2-2 ah la gashay Brentford, ayaa taageereyaasha Chelsea ay ku dhawaaqeen ‘Jose Mourinho’ iyaga oo saluugsanaa Mauricio Pochettino.

Waraysi uu Mourinho siiyey ayaa waxa uu ku sheegay in uu Chelsea iskaga fogaaday tan iyo markii uu ka tegay, isla markaana aanu daawanin ciyaaraheeda, waxaanu yidhi: “Anigu mar walba waan ka fogeeyaa naftayda waxyaabaha dhaqamada anshax-darrada ah.

“Marka aan joogo London, gurigaygu waxa uu garoonka Chelsea u jiraa masaafo loo socdo laba daqiiqadood, marka ay gool dhaliyaanna waxa aad maqlaysaa goolasha iyo dadka dabbaal-degaya.

“Maalintii uu garoonku bilaabay inuu magacayga ku heeso, ayaan joojiyey in aan daawado ciyaaraha Chelsea, waxa aanse tagaa garoomada kale.

“20 illaa 30 daqiiqadood ayuu gurigayga kale u jiraa garoonka Benfica ee Luz. Waxa aan tegay laba ama saddex ciyaarood. Waxa ay bilaabeen in ay i weydiiyaan ‘miyaad noqonaysaa tababarahayaga’, aniguna waxa aan joojiyey in aan garoonkaba tago. Noloshayda ayay igu cidhiidhyeen su’aalahaasi.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*