Kooxda kubadda Real Madrid ayay soo gaadhay jug culus oo ah in uu ka dhaawacmay xiddig laf-dhabar ah oo la xaqiijiyey in aanu wax fursad ah u haysanin ciyaarta horyaalka LaLiga ee Sabtida, sidoo kalena waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa ciyaarta lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich.
Carlo Ancelotti ayaa kooxdiisu ay diiwaangelisay dhaawac aanay jeclaysanin maqalkiisa oo ah in laacibka khadka dhexe ee Aurelien Thcouameni uu lugta wax kaga noqday tababarkii maanta, kaas oo aan la ogeyn muddada uu maqnaan doono.
Real Madrid ayaan ka hadlay dhaawaca Aurelien Tchouameni, hase yeeshee wargeysKA Carrusel Deportivo ayaa sheegay in Aurelien Tchouameni uu ka dhaawacmay lugta hoose ee faraha, waxaana laga saaray garoonka tababarka iyadoo dhakhaatiirtu ay la tacaalayeen xaaladdiisa.
Aurelien Tchouameni oo xilli-ciyaareedkan marar badan ka dheelay difaaca oo uu Antonio Rudiger ka garab ciyaaro, ayaa marka horeba uu qorshuhu ahaa in la nasiyo ciyaarta Cadiz ee horyaalka LaLiga ee Sabtida, sida ay warbaahinta waddanka Spain sheegay.
Ciyaartoyda kala ah Joselu, Arda Guler, Lucas Vazquez iyo Brahim Diaz ayaa la filayaa in ay kusoo bilaaban doonaan ciyaarta Sabtida.
Be the first to comment