Fashilka Erik ten Hag Oo Xalay Laga Marqaati Kacay, Ferdinand & Hargreaves Oo Isku Raacay Sababtii U Jadon Sancho Ugu Fashilmay United


Rio Ferdinand iyo Owen Hargreaves ayaa su’aal ka keenay sababta uu Jadon Sancho ugu fashilmay Manchester United ka dib marki uu wacdarro u dhigay Borussia Dortmund kulankii ay xalay 1-0 kaga badiyeen PSG ee lugta hore ee semi-finalka Champions League.

Sancho ayaa si joogta ah u kala dhantaalayay daafacyada PSG isagoo u muuqday mid si weyn uga duwan ciyaaryahankii uu ahaa markii uu joogay Man United ee uu ka hoos ciyaarayay Erik ten Hag.

Iyagoo u hadlayay TNT ciyaarta ka dib, Ferdinand iyo Hargreaves ayaa isku raacay in 24 jirkaan uu burhaantiisii dib u helay ka dib markii uu galay jawi cusub oo Dortmund ah.

Waxay sheegeen in xoriyad lagu siiyay Dortmund oo uu kubadiisii lagu yaqaanay soo bandhigayo, halka markii uu Man United joogay qasab looga dhigay inuu kubada mar walba u celiyo daafaca garab bedelkii uu weerar tagi lahaa.

“Waxaan doonayaa inaan ogaado wixii dhacay markii uu Man United joogay. Waa maxay sababta uu halkaas ugu fashilmay” ayuu yiri Ferdinand.

“Ma waxay aheyd inaan wax badan la ciyaarsiinin mise isagaan dadaalin markii uu joogay Manchester United? Miyuu ka carooday keydadkii la geliyay?

“Ma kooxda ayaa la noqotay mid aad u weyn, ma culeyska maaliyada ayuu dareemay? Ma qaladka tababaraha-baa inuu ka soo saari waayay ciyaartiisa ugu fiican.”

Hargreaves ayaa ku jawaabay: “Waa inta aad soo sheegtay oo dhan. Waa intaas oo isku tagay. Waa deegaanka uu bedeshay.

“Caawa taabashadiisii ugu horeysay ayaan ku ogaaday inuu wacdarro dhigi doono, waxaa ka muuqatay firfircooni.

“Marka uu farsamadiisa soo bandhigayo waa marka uu ugu fiican yahay. Markii uu joogay United, waxa uu ahaa mid kubada mar walba u celinaya daafacyada garbaha,”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*