“Waxaad Tihiin Koox Ay Ciyaartooy Buuran Ka Buuxaan” – Hadalkii Uu Pep Guardiola Ku Yiri Ciyaartoyda Man City


Xiddigii hore ee Manchester City Gael Clichy ayaa shaaca ka qaaday fariintii xanuunka badneyd ee uu Pep Guardiola u diray ciyaartoyda Manchester City markii ugu horeysay ee uu la kulmay.

Guardiola ayaa ku biiray Man City 2016kii, wuxuuna ka dhigay koox qaaday koob walba oo ay u tartameen isagoo qabsaday kubada cagta Ingariiska.

Laakiin markii ugu horeysay ee uu la kulmay ciyaartoyda Man City markii loo magacaabay tababaraha kooxda, waxa uu ku salaamay hadalo kulkulul oo aflagaado iyo canaan u muuqday.

Gael Clichy oo ka sheekeynayay hadalkii uu yiri Guardiola markii ugu horeysay ee uu kooxda la kulmay ayaa yiri:

“Guardiiola wuxuu inagu yiri: “waxaan ogaa inaan halkaan imaanayo muddo sannad ah, wana idiin daawanayay, kooxdaan waxaa ka buuxa ciyaartooy buuran. Waxaan doonayaa inay ciyaartoydeyda caato u noqdaan sida ushaan oo kale. Waxaan dhamaantiin idiin qorayaa jimicsi aad baruurta ku ridaan.

“Aniga ayaan go’aansanaya miisaankiina ka dib shan isbuuc. Haddii aad labo kiilo ka badataan miisaanka aan idiin qabto waxaad orod ugu soo wareegeysaan garoonka.”

Clichy ayaa hadalkiisa raaciyay: “Markii aan ka soo laabanay kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga. Labo ciyaaryahan ayaa noqday kuwa weli buuran. Ma aheyn ciyaartoyda akadeemiga waxay ahaayeen labo ka mid ah ciyaartoyda waa weyn oo miisaankooda uu ka kordhay intii loo qabtay. Muddo 10 maalmood ah waxaa lagu qasbayay inay orod garoonka kula soo wareegaan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*