Jurgen Klopp Oo Shaqo Cusub Looga Soo Bandhigay Koox Ka Ciyaareysa Semi-finalka Champions League


Jurgen Klopp ayaa lagu waramayaa inuu wadahadalo kula jiro kooxda Borussia Dortmund si uu qeyb uga noqdo madaxda kooxda.

Tababaraha Liverpool ayaa dhamaadka bishaan ka tagaya kooxda, waxaana lala xiriiriyay shaqooyin badan laakiin waxaa jirta suurtogalnimo uu dib ugu laaban karo Dortmund.

Klopp ayaa ku riyaaqay waqti guulo ah markii uu tababare ka ahaa Dortmund intii u dhaxeysay 2008 iyo 2015. Kooxdiisa waxay ku guuleysatay labo horyaal oo Bundesliga ah, waxayna sidoo kale gaareen finalka Champions League 2013kii iyadoo Bayern Munich ay ka qaaday.

56 jirkaan ayaa ka tagaya shaqada Dortmund dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2014-15, waxaana loo magacaabay tababaraha Liverpool bishii October 2015kii. Waxa uu guulo waa weyn ku gaaray Anfield oo ku jirto horyaalka Premier League iyo Champions League.

Laakiin mustaqbalka Klopp ayaan kala cadeyn ka dib marka uu ka tago Liverpool. Wuxuu sheegay inuusan ugu yaraan muddo sannad ah ku soo noqon doonin shaqada tababare, isagoo xitaa si maldahan u sheegay inay suurtogal tahay inuusan mar danbe tababare noqonin.

Waana sababta Dortmund ay ugu soo bandhigtay shaqo cusub oo ku noqonayo madaxa kubada cagta kooxda. Sida ay sheegtay wargeyska Independent, waxaa jira wadahadalo socda oo ku saabsan in Klopp jagadaas loo magacaabo wixii ka danbeeya 2025ka.

Waxay taasi u ogolaaneysaa waqti ku filan uu ku nasto ka dib sagaal sannadood uu tababare ka ahaa Liverpool. Wuxuu agaasimi doonaan howlaha kubada cagta ee Dortmund bedelkii uu kooxda tababare u noqon lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*