Chelsea Oo Loo Sheegay Inay Aarsato Saxiixii Mason Mount Ee Man Utd & Labada Xiddig Ee Loo Tilmaamay Inay La Wareegto


Bruno Fernandes ayaa walwal ku abuuray taageerayaasha Man United maalintii Talaadada ka dib markii uu sheegay inay suurtogal tahay inuu baxo ka dib ciyaaraha Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya Jarmalka.

Halyeeyga Chelsea William Gallas ayaa ku taageeray kooxdiisa hore inay u dhaqaaqdo kabtanka Man United haddii uu qeyb ka noqdo xiddigaha ay iska iibineyso United xagaagan.

Gallas ayaa sheegay inay Chelsea aarsato saxiixii Mason Mount ee United islamarkaana ay la soo wareegto Bruno Fernandes iyo Marcus Rashford.

United ayaa lagu waramayaa inay dhageysan doonto dhamaan dalabyada laga soo gudbinayo ciyaartoydooda xagaagan marka laga reebo Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund.

Gallas ayaa yiri: “Marcus Rashford iyo Bruno Fernandes waxay saxiixyo fiican u noqon karaan Chelsea.

“Labada ciyaaryahan waa kuwa tayo leh. Bruno waxa uu noqon karaa xiddigooda khadka dhexe ee ka dheeli kara booska No.10 oo ay Chelsea ka liidato.

“Chelsea waa koox ay ka buuxaan ciyaartooy da’ yar, Bruno Fernandes ayaana u noqon kara hogaamiye tayo leh oo xaaladaha qaar ka badbaadiya. Waxa uu noqon karaa saxiix fiican haddii wararka xanta ay run yihiin.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*