RASMI: Real Madrid Oo Dhamaystirtay Saxeexii Koowaad Ee Suuqa Xagaaga


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhamaystirtay saxeexeedii koowaad ee suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga ee waqtiga kooban ka hadhsan yahay xilligii uu sida rasmiga ah u furmayay, waana laacib hore xidid ugu lahaa Los Blancos.

Real Madrid ayaa warbaahinta usoo bandhigtay weeraryahanka uu dhalay halyeyga reer Brazil ee Marcelo oo qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ku hayn doona Santiago Bernabeu, kaas oo ka hor inta aanu kooxda koowaad usoo dallicin waqti lagu carbin doono kooxda da’yarta.

Enzo Alves oo uu dhalay Marcelo, kana ciyaara afka hore ayaa Real Madrid u saxeexay heshiis socon doona illaa sannadka 2026, iyadoo ay hareero taagan yihiin hooyadii iyo aabihii.

December 2022 ayuu Enzo Alves u saxeexay Real Madrid heshiiskiisii ugu horreeyey, waxaana bandhig heersare ah oo uu ka sameeyey kooxda da’yarta ee Los Blancos uu ku qasbaday in loosoo bandhigo heshiis cusub oo laba sannadood socon doona, markaas oo haddana ay dhinacyadu miiska wada fadhiisan doonaan.

Enzo Alves ayaa ka sokow inuu yahay wiilka Marcelo, waxa uu qandaraaskiisa ku kasbaday 17 gool oo uu u dhaliyey kooxdiisa da’yarta oo ku guuleysatay horyaalka Spain ee heerarka hoose oo ay ku garaaceen Atletico Madrid oo ay farqiga goolasha kaga qaadeen iyagoo min 71 dhibcood ku dhamaystay, waxaase Real Madrid ay dheeraatay 26 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*