Borussia Dortmund Oo Guul Ka Gaadhay PSG Lugta Hore Ee Semi-finalka Champions League


Kooxda kubadda cagta Borussia Dortmund ayaa guul 1-0 ah ka gaadhay Paris Saint-Germain lugta hore ee semi-finalka Champions League, iyadoo midkooda soo baxaya lagu go’aamin doono natiijada lugta labaad ee kasoo bixi doonta magaalada Paris.

Borussia Dortund oo soo bandhigtay ciyaar qurux badan oo dhinac waba ka dheelli-tiran ayaa goolka guusha ku hoggaamiyey waxa u saxeexay laacibka reer Germany ee Nicolas Fullkrug ee ay qiimaha raqiiska ah ku heleen xagaagii.

Ciyaartan oo ay Paris Saint-Germain si adag u dagaallantay isla markaana laba jeer ay biraha garaaceen Achraf Hakimi iyo Kylian Mbappe ayaa waxa dilay taatikada Dortmund oo ahayd inay si adag u xakameeyaan weeraryahannada halista badan ee Faransiiska ah ee afka hore ka dheelayey, kuwaas oo ay u diideen inay si sahlan ku galaan xeradooda ganaaxa.

Dortmund oo uu nasiibku diiday dhawr jeer oo ay goolka hortiisa kubbado la tageen, isla markaana middii ugu halista badnayd uu lumiyey Sabitzer oo lugta la waayey kubbad hortiisa taallay ayaa waxa ay beegsan doontaa lugta labaad oo ay u halgami doonto inay xajisato shaqadii ay ku qabsatay garoonkeeda.

Jadon Sancho ayaa isla markii ciyaarta la bilaabay waxa uu kubbad kala soo galay dhinaca midig, waxaase ay kaga dhacday goolhaye Donnaruma oo ka difaacay, waxyar kaddibna Adayemi ayaa uu nasiibku diiday.

Daqiiqaddii 36aad ayaa kubbad uu Nico Schlotterbeck kasoo tuuray dhinaca bidix ee difaaca, waxa uu difaaca u weydaariyey Niclas Füllkrug oo la galay xerada ganaaxa, isla markaana darbad xoogan oo lugta bidix ah ku liishaamay goolka oo shabaqa ku hubsaday.

PSG ayaa waxa iskugu darsamay goolka laga dhaliyey iyo dhaawac soo gaadhay difaaca reer France ee Lucas Hernandez oo waxyeello kasoo gaadhay lugta bidix isagoo isku dayaya inuu joojiyo kubaddaas.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay PSG cadaadis badan saartay Borussia Dortmund oo ay kubadda u diideen, sidoo kalena ay weerarro is-daba joog ahaa ku ekaysiiyeen.

Daqiiqaddii 51aad ayay PSG laba jeer garaacday goolka Dortmund oo ay Acharaf Hakimi iyo Kylian Mbappe, hase yeeshee waxa laf dhuun-gashay ku noqday goolhaye Gregor Kobel oo kubbado badan ka joojiyey.

Dortmund ayaa kubaddeedu ay si qunyar-qunyar ah sare ugu soo kacday, waxaanay iska dul-qaadeen cadaadiskii badnaa ee saarnaa iyagoo dhawr kubbadood halis geliyey.

Dhamaadka ciyaarta oo ay toban daqiiqadood ka hadhsan tahay ayay Borussia Dortmund heshay fursaddeedii ugu fiicnayd, waxaana kubbad xerada ganaaxa ka helay Ousmane Dembele oo aanay cidina ku dhaweyn, balse darbad xooggan oo uu goolka ku toogtay ayaa ka dallacantay oo taageereyaasha uu kubadda ugu geeyey.

Daqiiqadihii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Borussia Dortmund u dhowaatay inay keento gool labaad, laakiin waxa ay ciyaartu kusoo dhamaatay 1-0 ay ku adkaatay Borussia Dortmund.

Lugta labaad ayey labada kooxood ciyaari doonaan Salaasada soo socota, waxaana halkaas lagu go’aamin doonaa midkooda usoo gudbaya ciyaarta ugu dambaysa ee finalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*