Michail Antonio Oo Kashifay Wixii Ay Ciyaartoyda Chelsea Ka Maqlayeen Hadalladii Mohamed Salah Iyo Jurgen Klopp


Xiddiga kooxda kubadda cagta West Ham ee Michail Antonio ayaa shaaciyey hadalladii kusoo duul-duulayey ciyaartoyda West Ham ee fadhiyey kursiga garoonka markii uu Mohamed Salah sida ixtiraam-darrada ah ula hadlayey tababare Jurgen Klopp ciyaartii ay barbarraha 2-2 ah ku kala baxeen ee sababta u noqotay in rajada Liverpool ee horyaalka Premier League ay soo afjaranto.

Michail Antonio oo dhaliyey goolka barbarraha ka dhigay ciyaarta, ayaa waraysi uu bixiyey waxa uu bannaanka ku keenay wixii ay ciyaartoyda West Ham ka maqlayeen Klopp iyo Mohamed Salah ee ay uga sheekeeyeen ciyaartoyda kooxdiisa maadaama uu isagu ku jiray garoonka oo uu ciyaarayey, isla markaana aanu maqlaynin.

“Aniga cidi iigama sheekaynin, mana aha macluumaad ay cidi ii sheegtay, laakiin waxa aan idinla wadaagayaa wixii aan ka maqlay ciyaartoydii kursiga kaydka fadhiday ee ka dambaysay iyaga ayaan idiin sheegayaa.” Ayuu yidhi Michail Antonio.

Waxa uu intaa kusii daray: “Marka ay ciyaartoyda Liverpool soo istaagaan, Klopp mar walba xabbadka ayuu gelayaa, waxaanu ku yidhaahdaa ‘nasiib wanaagsan’, laakiin markii uu Salah soo kacay waxa uu u dhaqaaqay jiho kale, waxaanu iskaga jeedsaday kabihiisa iyo waxyaabo kale.

“Klopp waxa uu usoo kala bixiyey gacmaha, balse Mo ayaa samayn waayey wixii ay ahayd inuu sameeyo, kaddibna Klopp ayuu sidii isaga oo salaamaya gacanta ka dhirbaaxay. Halkaas ayay wax ka bilowdeen. Klopp ma aanu jeclaysanin waxa uu sameeyey Mo, kaddibna waxa uu Klopp ku yidhi ‘ma waxaad doonaysaa inaad iska fadhiisato’.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*