Manchester United Oo Go’aamisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Marcus Rashford


Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aamisay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga reer England ee Marcus Rashford oo lagu daray liiska xiddigaha ay kooxdaasi xaraashayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo socda.

Manchester United ayaa waxa ay kaliya la hadhaysaa saddexda ciyaartoy ee Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund, taas oo ka dhigan in Marcus Rashford, Bruno Fernandes iyo dhamaan ciyaartoyda kale ee kooxdu ay ka tegi doonaan Old Trafford.

Sir Jim Ratcliffe ayaa go’aamiyey in kooxda uu isbeddel badan ku sameeyo oo uu ka diro ciyaartoyda culayska badan ee dhaqaale ku hays.

Marcus Rashford oo ku jira ciyaartoyda la xaraashayo isla markaana ay doonayso Paris Saint-Germain ayay Manchester United u go’aamisay inay ku iibiso £75 milyan oo Gini, waxaana laacibkaasi uu ka degi doonaa naadiga bixiya lacagtaas.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya, in Manchester United ay tanaasul ka samaynayso qiimahan oo ay soo gaadhi doonto illaa £70 milyan oo Gini.

Xilli-ciyaareedkan socda, Marcus Rashford ayaa 40 ciyaarood u saftay kooxdiisa Manchester United waxaana uu u dhaliyey siddeed gool oo kaliya oo dhamaan tartamada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*