Horyaalka Premier League Oo Loo Rarayo Waddanka Maraykanka Iyo Sababta Oo La Shaaciyey


Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa kulamadiisa loo rari doonaa waddanka Maraykanka oo lagu soo dheeli doono qaar ka mid ah kulamada xilli-ciyaareedyada soo socda, halkaas oo naadiyada lagu qasbi doono inay safarro ku tagaan.

Premier League ayaa wada-hadallo kula jira telefishanka Maraykanka ee NBC oo doonaya in labada ciyaarood ee ugu horreeya koox kasta xilli-ciyaareedyada soo socda ay ka dhacaan waddanka Maraykanka.

Ciyaarta ugu horreysa ee uu qorshuhu yahay in lagu dheelo waddanka Maraykanka ee sida aadka ah loogu ololaynayo ayaa waxa ay tahay Manchester United iyo Chelsea oo la doonayo inay ku ciyaaraan magaalada New York.

Richard Master oo ah madaxa horyaalka Premier League ayaa albaabada u furay in ciyaaraha qaarkood lagu soo dheelo waddanka Maraykanka, waxaana arrintan ka shaqaynaya telefishanka NBC iyo baahiyeyaasha maxalliga ah sida Sky Sports iyo TNT Sports.

NBC waxa uu doonayaa in labada toddobaad ee ugu horreeya lagu ciyaaro waddanka Maraykanka, waxaanay bixin doonaan lacag dhan £2.6 bilyan oo Gini oo ay siin doonaan horyaalka Premier League, halka kulamada kalena ay ka dhici doonaan gudaha Ingiriiska oo ay xuquuqdiisa yeelan doonaan telefishannadii marka horeba lacagaha badan ku bixin jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*