Waa Kuma Xiddiga Ay Man City Iibisay Ee Uu Ka Murugooday Pep Guardiola?


Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa si weyn uga qoomameeyey xiddig uu xagaagii hore ogolaaday in ay kooxdiisu iibiso, kaas oo laacibkii uu la saxeexday si uu ugu buuxiyo booskaas uu awoodi waayey in uu sidiisii oo kale u dheelo.

Guardiola laguma arag isaga oo inta badan samaynaya go’aamo qaldan oo dhinaca suuqa ah, waxaana saxeexyadii cagliga iyo xikmadda ahaa ee uu sameeyey markii uu Man City la wareegay ka mid ahaa Kevin De Bruyne, Ilkay Gundogan, Rodri iyo John Stones.

Sidaas oo ay tahay, waxa kale oo uu Pep Guardiola sameeyey qalad dhinaca suuqa ah oo uu ku ogolaaday inuu iska baxo ciyaartoy ay kooxdiisu u baahnayd oo waqtigan ay ku baxsan lahaayeen.

Wargeyska Mundo Deportivo ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa warbixin uu ka sameeyey ciyaartoyga uu Guardiola qoomameeyey bixitaankiisa uu ku yidhi: “Pep Guardiola iyo Manchester City waxa ay qoomamaynayaan bixitaankii Gundogan. Waxa ay tebayaan joogistiisii, ciyaartiisii, feejignaantiisii iyo saamayntiisii. Ciyaartoydii ay ula saxeexdeen beddelkiisu ma aanay sababin in la illoono, kooxda Ingiriiska iyo tababaruhuba waxay qoomamaynayaan inay heshiis cusub ka saxeexi waayeen Gundogan.”

Warbixinta wargeyska oo sii socota ayaa lagu yidhi: “Pep ma aanu doonayn inuu ogolaado in uu Gundogan baxo, laakiin City ayaa ka gaabisay inay heshiiska u cusboonaysiiso.”

Manchester City ayaa si ay u buuxiso booska uu banneeyey Ilkay Gundogan waxa ay la saxeexatay Matheus Nunes iyo Mateo Kovacic oo labaduba ku fashilmay inay buuxiyaan booskii uu kooxdaas ugu jiray Ilkay Gundogan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*