Bruno Fernandes Oo SHAN Kooxood U Dhexeeya Kaddib Go’aankii Ay Manchester United Ku Gaadhay Inay Iibiso


Manchester United ayaa liiska ciyaartoyda ay iibinayso xagaaga, waxa ay ku dartay laacibka reer Portugal ee Bruno Fernandes oo ah kabtanka kooxdaas, waxaase arrintan ay layaab ku noqotay taageereyaasha kooxdan oo ay u qaadan-waa ku noqotay go’aanka kooxdoodu.

29 jirkan oo January 2020 ay Manchester United £68 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Sporting Lisbon, ayaa xilli-ciyaareedkiisii shanaad ku qaadanaya Old Trafford, laakiin nasiib-darro waxa uu awoodi waayey in uu kula guuleysto horyaalka Premier League.

157 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah oo uu u saftay ayuu Bruno Fernandes u dhaliyey Manchester United 54 gool iyo 40 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaase bandhiggiisu uu ka joojin waayey in lagu daro liiska ciyaartoyda uu Sir Jim Ratcliffe go’aamiyey in laga diro naadiga xagaaga soo socda.

Laacibkan oo qandaraaskiisa Manchester United uu soconayo illaa sannadka 2026, ayaa saxaafadda u sheegay in uu doonayo inuu sii joogo Old Trafford, laakiin waxa soo baxaya afar kooxood oo reer Yurub ah oo doonaya inay la saxeexdaan.

Labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona oo lagu daray PSG iyo Juventus ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ugu cadcad, laakiin waxa sidoo kale laga xiisaynayaa horyaalka waddanka Sucuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*