Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa magacowday saddex ciyaartoy oo lama-taabtaan ah oo ay ka dhaaratay inay iibinayso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale oo la sheegayo in kooxda ku qasbaya inay ciyaartoydeeda qaarkood iibiso.
Barcelona oo ku qancisay tababare Xavi Hernandez in uu ka laabto go’aankiisii ahaa inuu ka tegayo dhamaadka xilli-ciyaareedka, ayaa waxa kale oo ay go’aamisay in ay sii xajisato ciyaartoydeeda muhiimka ah, balse ay kuwa kale ee ay saluugsan yihiin ay iibiyaan.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegay, in Barcelona ay albaabka ka xidhi doonto dhawr ciyaartoy oo aanay ogolaan doonin in ay sinaba ku iibiso, waxaana ciyaartoydan aan ku jirin weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo maalin ka hor sii sheegay in uu sii joogi doono Barcelona, Frenkie de Jong iyo Raphinha iyo xataa Ronald Araujo.
Saddexda ciyaartoy ee Barcelona ay ka dhaaratay inay iibinayso ayaa ah laacibiinta kasoo baxday kulliyadda ee Lamine Yamal, Pau Cubarsi iyo Gavi.
Arrintan ayey warbaahinta Spain ku tilmaantay, inay suurtogal tahay in albaabada ay u furayso, in la iibiyo ciyaartoyda ay ka mid yihiin Ronald Araujo oo ay doonayso Bayern Munich, Robert Lewandowski, Raphinha, Pedri iyo Frenkie de Jong.
Be the first to comment