Thiago Silva Oo Dalabyo Ka Helay Saddex Kooxood Oo Premier League Ah


Difaaca kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thiago Silva ayaa dalabyo ka helay saddex kooxood oo horyaalka Premier League ah, maalmo kaddib markii uu shaaciyey inuu ka tegayo Chelsea dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

39 jirkan oo 151 kulan u saftay Chelsea oo uu sannadkii 2020 kaga soo biiray Paris Saint-Germain oo uu si xor ah kaga tegay, ayaa afartii sannadood ee uu joogay Stamford Bridge waxa uu Salaasadii bixiyey waraysi qiiro lahaa oo uu ku xaqiijiyey bixitaankiisa.

Intii uu joogay Stamford Bridge, waxa uu ku guuleystay Champions League, FIFA Club World Cup iyo UEFA Super Cup, ayaa waxa uu rajaynayaa in uu dib ugu soo laaban doono Premier League marka uu ciyaaraha hawlgabka ka noqdo.

Laba wiil oo uu dhalay Thiago Silva oo lagu magacaabo Isago da Silva iyo Iago da Silva, ayaa waxa ay waqtigan ka tirsan yihiin ciyaartoyda kulliyadda da’yarta Chelsea, waxaana uu Silva qorshaynayaa in uu isaguna ka mid noqdo shaqaalaha naadigan marka uu kabaha tiiriyo.

Sida uu sheegay telefishanka TNT Sports, saddex kooxood oo horyaalka Premier League ah ayaa doonaya Thiago Silva oo sida ay u badan tahay qorshihiisu yahay inuu dib ugu laabto naadigiisii carruurnimada ee Fluminense ee Brazil.

Saddexda kooxood ee doonaya Thiago Silva ee dalabyada kasoo gudbiyey, ayaa ka dhisan magaalada London, balse magacyadooda lama shaacin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*