Jose Mourinho Oo Saadaaliyey Saddexda Xul-Qaran Ee Midkood Ku Guuleysanayo Euro 2024


Tababaraha ruug-caddaaga ah ee reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa magacaabay saddex dal oo uu u saadaalinayo in midkood uu ku guuleysanayo tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee bisha dambe ee June ka furmi doona waddanka Germany.

Xulka qaranka Talyaaniga ee koobka difaacanaya ayaan ku jirin waddamada loo saadaalinayo tartankan, waxaana arrintaas sii adkeeyey Jose Mourinho oo ka reebay liiska dalalka uu ku tuhmayo awoodda iyo cudduda ay koobka ku qaadi karayaan.

Laakiin England oo finalka uu Talyaanigu rikoodheyaal kaga qaaday ayuu Jose Mourinho saadaaliyey inay ka mid yihiin saddexda dal ee ugu cadcad, iyagoo waliba wareegga group-yada ku dhacay meel fudud oo ay Group C ku wada jiraan Slovenia, Denmark iyo Serbia.

Mourinho ayaa waxa uu sheegay in saddexda waddan ee Faransiiska, England iyo Portugal uu midkood ku guuleysan doono tartankan, laakiin Faransiisku waxa uu ku jiraa hormo adag marka loo eego Ingiriiska, waxaanay Group D ku wada jiraan Poland, Netherlands iyo Australia.

Xulka Portugal oo durduro ugu soo gudbay isla markaana guuleystay dhamaan 10kii ciyaarood ee isreeb-reebka ayaa waxa ay Group F ku wada jiraan Turkey, Georgia iyo Czeck Republic.

Jose Mourinho oo la weydiiyey dalka ku guuleysanaya koobka qaramada Yurub ayaa ku jawaabay: “Aniga aragtidayda, saddex waddan ayaa ugu xoogan, waana Portugal, France iyo England. Waxyaabo layaab leh way dhici karaan, laakiin marka aad eegto sidii ay kusoo gudbeen iyo tayada ciyaartoyda, xulka Portugal ayay ila tahay in uu ku guuleysan doono.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*