Saadaashii Uu Sameeyay Daniel Sturridge Oo Rumowday


Daniel Sturridge ayaa ka yaabiyay taageerayaasha ka dib markii uu saadaalin cajiib ah sameeyay kulankii Bayern Munich iyo Real Madrid taasoo rumowday.

Xiddiga isku bedelay khabiir kubada cagta ah ayaa saadaal ka bixiyay kulanka semi-finalka Champions League ka hor ciyaarta.

Saadaashiisa waxay aheyd xitaa mid faahfaahsan isagoo sheegay in Leroy Sane iyo Harry Kane ay shabaqa soo taabanayaan, wuxuu xitaa saadaaliyay in Kane goolkiisa uu rigoore noqon doono.

Xiddigii hore ee Liverpool ayaa Twitter ku soo qoray ka hor ciyaarta: “Sane dhibaato weyn ayuu noqon doonaa caawa. Gool ayuu dhalin doonaa, halka rigoore uu dhalin doono Kane.”

Taageerayaasha ayaa la dhacay saadaasha Sturridge ee rumowday waxayna bilaabeen inay Twitter weydiiyaan inuu saadaalin kale sameeyo.

Taageere ayaa u qoray: “Yaa ku guuleysan doona horyaalka?”

Mid kale ayaa yiri: “Saadaali haddii aan gabar saaxiib ah yeelan doono sannadkan?”

Taageere kale ayaa u qoray: “Sixiroole ayaa tahay.”

Saadaasha Sturridge waxay ka fiicneyd midii tababaraha Bayern Munich Thomas Tuchel kaasoo saadaaliyay in Serge Gnabry uu gool dhalin doono, balse kuma soo bilaabin weeraryahanka.

Sane iyo Kane kaliya shabaqa ma soo taabanin xalay iyadoo Madrid ay iyagana labo gool dhaliyeen kulankii barbaraha 2-2 ku dhamaaday.

Vinicius Jr ayaa goolasha furay qeybtii hore ka hor inta uusan rigoore ku barbareynin ciyaarta.

Labada kooxood ayaa lugta labaad ku ciyaari doona Bernabeu todobaadka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*