Ciyaartoygii 1aad Ee Manchester United Ah Oo Ka Hadlay Xaraashka Loo Qorsheeyey


Kabtanka Manchester United Bruno Fernandes ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda ay xaraasheyso dhamaan ciyaartoydeeda marka laga reebo seddex ciyaaryahan xagaagan.

United ayaa wajahday xilli ciyaareed dhib badan iyagoo wajahaya inay seegaan tartamada Yurub xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegay in Man United ay dhageysan doonto dalabyada laga soo gudbinayo dhamaan ciyaartoydooda marka laga reebo Rasmus Hojlund, Kobbie Mainoo iyo Alejandro Garnacho.

Talaabadaan waxay keeneysaa in xiddigaha sida Marcus Rashford, Casemiro iyo Lisandro Martinez ay kooxda ka tagayaan xagaagan, waxaana sidoo kale muuqata in Bruno Fernandes uu isna qeyb ka yahay ciyaartoyda suuqa la soo dhigay.

Laakiin kabtanka Portugal ayaa haatan ka hadlay mustaqbalkiisa Old Trafford isagoo sheegay inuu doonayo inuu sii joogo.

Waxa uu u sheegay DAZN Portugal: “Kama fekereyo waxyaabo kale oo aan ka aheyn finalka FA Cup iyo koobka Qaramada Yurub ee Portugal.

Wuxuu sheegay inuu mustaqbalkiisa Premier League ka fekeri doono ka dib ciyaaraha Qaramada Yurub ee xagaagan ka dhacaya Jarmalka.

“Sida iska cad, mustaqbalkeyga Man United aniga kaliya iguma xirna, miyaysan aheyn? Waqti xaadirkaan waxaan dareemayaa in kooxda iyo anigaba aan dooneyno inaan halkaan sii joogo.

“Kama fekerayo wax badan mustaqbalka. Haddii aad dooneyso inaan daacad u hadlo, haddii aan ka fekerayo mustaqbalkeyga Premier League ma dhicin doonto ilaa iyo ka dib ciyaaraha Qaramada Yurub sababtoo ah ma jirto wax diiradeyda ka weecin kara finalka FA Cup iyo Euro 2024. Wax iyaga ka muhiimsan ma jiraan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*