Thomas Muller Oo Ku Eedeeyay Xiddig Real Madrid Inuu Xadayo Taatikada Kooxdiisa Ee Kulanka Lugta Labaad


Thomas Muller ayaa ku kaftamay in Aurelian Tchouameni inuu dhageysanayay taatikadiisa ka dib markii uu soo dhex galay isagoo wareysi bixinaya.

Halyeeyga Bayern Munich ayaa saftay kulankiisii 150aad ee Champions League ciyaartii ay barbaraha 2-2 la galeen Real Madrid.

Muller oo 34 sanno jir ah ayaa ka soo muuqday CBS Sport ka dib lugtii hore ee semi-finalka, waxaana la weydiiyay haddii uu dareemayo inuu noqday oday gaboobay.

Laakiin ka hor inta uusan xiddiga Jarmalka ka jawaabin su’aashaas, waxaa soo dhex galay xiddiga Real Madrid Tchouameni.

Muller ayaa ku qoslay xiddiga khadka dhexe ka hor inta uusan in il jabin isagoo sidoo kale ku kaftamay.

“Tchouameni wuxuu dhageysanayaa taatikada kulanka xiga.”

Xiddiga Faransiiska ayaa markaas ka dib ka soo muuqday kaamirada horteeda isagoo salaamay Muller ka hor inta uusan kaamirada u dhoolacadeynin.

Muller ayaa ku soo bilowday kulankii barbaraha 2-2 ku dhamaaday, wuxuuna ahaa kulankiisii 150aad ee Champions League.

Xiddiga Jarmalka ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Champions League saftay 2009kii isagoo ka horyimid Sporting Lisbon, wuxuuna tartanka ku guuleystay labo jeer – 2013 iyo 2020.

Waxa uu haatan doonayaa inuu gaaro finalkiisii shanaad laakiin Bayern Munich waa inay Real Madrid uga badiso Bernabeu kulanka lugta labaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*