Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka, CiyaaryahanKii Ugu Liitay & Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Bayern Munich Iyo Real Madrid


Real Madrid ma aysan soo bandhigin ciyaarteedii ugu ficineyd laakiin waxay u muuqdeen kuwa raaxo dareemaya iyagoo ogsoonaa in guul hal gool ah ay ugu filan tahay inay ugu cadcadaan u soo bixitaanka finalka Wembley ka hor lugta labaad ee Bernabeu.

Laakiin ilbiriqsiyo gudaheed ayay wax walba isku bedeleen, waxaana ku amaanan tababare Thomas Tuchel oo bedelo sameeyay waqtigii nasashada, si gaar ah waxaa ku amaanan Leroy Sane iyo Musiala oo agaasimay soo laabashadii Bayern Munich oo hogaanka la wareegtay.

Laakiin ugu danbeyn ciyaarta barbaro ayay ku dhamaatay sababo la xiriira qaladaad dhacay, Kim oo qaladkii uu ku lahaa goolka koowaad iska soo guday ayaa mar kale qalad kale sameeyay isagoo hadiyad siiyay Real Madrid.

XIDDIGA GAROONKA

Vinicius Jr (Real Madrid): Waxay si dhow ugu tartameen abaalmarintaan Jamal Musiala oo wacdarro u dhigay Bayern Munich, laakiin labo gool oo ku soo dhaliyay garoonka uu marti ku yahay semi-finalka Champions League ma jirto wax ka sareyn kara. Waana waxa ay tahay inay ciyaartoyda waa weyn sameeyaan. Vinicius Jr ayaa gaaray xilli ciyaareedkii seddexaad oo isku xiga 20 gool tartamada oo dhan.

XIDDIGII UGU LIITAY

Min-Jae Kim  (Bayern Munich): Qaladaadkii uu sameeyay ayaa sababay labada gool ee ay Real Madrid dhalisay. Markii Bayern Munich ay ka soo kabsatay goolkii furitaanka ee Los Blancos islamarkaana hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaa lug gooyay Kim oo rigoore keenay taasoo ay Real ku barbareysay ciyaarta.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Bayern Munich: Neuer 6, Kimmich 6, Kim 3, Dier 6, Mazraoui 5, Laimer 5, Goretzka 4, Sane 7, Muller 5, Musiala 7, Kane 6.

Bedel: Guerreiro 6, Gnabry 6, Davies n/a.

Real Madrid: Lunin 6, Lucas 5, Rudiger 6, Nacho 5, Mendy 6, Valverde 5, Tchouameni 5, Kroos 7, Bellingham 5, Rodrygo 6, Vinicius Junior 8.

Bedel: Camavinga 6, Modric 6, Brahim 6, Joselu n/a.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*