Harry Kane Oo Ka Jawaabay Ficilkii Uu Ku Kacay Jude Bellingham Ka Hor Rigooradii Uu Ka Dhaliyay Real Madrid


Harry Kane ayaa ka jawaabay isku daygii Jude Bellingham oo ku qalqalgelinayay kabtanka England ka hor inta uusan dhalinin rigoorada kulankii ay Bayern Munich iyo Real Madrid ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

Kane ayaa qeybtii labaad hogaanka u dhiibay Bayern Munich ka dib markii uu dhaliyay rigoore lagu galay Jamal Musiala.

Kabtanka England ayaana gool u sarifay rigoorada isagoo dhinac qaldan u diray goolhayaha Real Madrid Andriy Lunin.

Balse ka hor rigoorada, xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Bellingham ayaa isku dayay inuu qalqalgeliyo.

Bellingham ayaa u tagay Kane oo rigoorada isku diyaarinaya isagoo dhegta wax ugu sheegay ka hor inta uusan ka tagin.

Laakiin Kane ma aysan saameynin hadalkii Bellingham isagoo rigoorada dhaliyay, ciyaarta ka dib ayaana la weydiiyay wixii uu Bellingham ku yiri, isagoo ku jawaabay:

 “Ma garanayo wuxuu igu lahaa, waxaan arkay isagoo dhegta wax uu iigu sheegaya. Waa inaan weydiiyo wuxuu xaqiiq igu yiri!

“Waqtigaas, waxaan ahaa mid diirada saaraya rigoorada, waxaana isku dayayay inaan iska block-gareeyo wax walba.

“Waan hubaa inuu isku dayayay inuu i qalqalgeliyo laakiin waxaan ka mahdinayaa inay shaqeyn weysay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*