Bayern Munich Iyo Real Madrid Oo Barbarro Ku Heshiiyey Lugta Hore Ee Semi-finalka Champions League Xilli Uu Vinicius Jr Wacdaro Dhigay


Kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa barbarro 2-2 ah ku kala baxay lugta hore ee semi-finalka Champions League oo kulan ay isku rafaadeen ku heshiiyey in natiijada kal-baxooda ay u dhigtaan garoonka Santiago Bernabeu oo ay toddobaadka dambe isla tegi doonaan.

Real Madrid ayaa goolka ku hormartay, laakiin Bayern Munich ayaa laba daran-doorri ahaa ugu beddeshay ka hor intii aanay kooxda martida ee Los Blancos helin rikoodhe uu gool ugu beddelay Vinicius Junior.

Ciyaartan oo ay Bayern Munich ku bilaabatay si xooggan oo ay kubadda maamulaysay, isla markaana samaysay fursado badan, ayaa waxa isku muujiyey Vinicius Junior oo noqday laacibka Real Madrid u horseeday inay guul-darro ka badbaadaan, halka Harry Kane uu isaguna dhamaystiray rikoodhe.

Daqiiqaddii 24aad ayaa kubbad uu khadka dhexe ka farsameeyey Toni Kroos waxa goolhaye Manuel Neuer ula tegay Vinicius Junior oo shabaqa ku hubsaday, waxaana uu goolkani ahaa midka kaliya ee dhashay qaybta hore.

Bayern Munich ayaa samaysay fursado badan oo goolal loo fishay, waxaana fursaddii ugu fiicnayd ka khasaariyey Jamal Musiala oo kubbad uu ula tegay goolhayaha awoodi waayey in uu dhaliyo, iyadoo Andriy Lunin uu lugta ku joojiyey.

Leroy Sane ayaa dhawr darbadood ku toogtay goolka, halka Toni Kroos uu darbad xooggan oo uu masaafo dhow ka tuuray uu goolhaye Neuer la helay gacanta oo uu ka joojiyey goolkiisa.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Bayern Munich sii xoojisay weerarkeeda maadaama gool lagu lahaa iyadoo garoonkeeda joogta, waxaana dhawr kubbadood oo ahaa madax ka qabtay goolhaye Lunin oo laf-dhuungashay ku noqday.

Daqiiqaddii 53aad ayuu Leroy Sane jabiyey darbiga difaaca Real Madrid, waxaana kubbad uu kala soo galay dhinaca midig uu la yimid xerada ganaaxa dhaxdeeda, kaddibna darbad xooggan ayuu ku toogtay goolka oo waxyar u jira, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay 1-1.

Afar daqiiqadood kaddib ayaa Bayern Munich loo dhigay rikoodhe markii uu Lucas Vazquez qalad ku galay Jamal Musiala, waxaana rikoodhahan gool u beddelay Harry Kane oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Lunin.

Bayern Munich oo u malaynaysa in ay guuleysanayso, ayaa waxa dilay go’aan qaldan oo uu qaatay difaaca reer South Korea ee Kim-jae oo qalad ku galay Rodrygo Goes dhamaadka ciyaarta oo ay toddoba daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Vinicius Junior ayaa gool u beddelay rikoodhaha daqiiqaddii 83aad, waxaana uu toogtay badhtamaha goolka halka uu Neuer isku tuuray dhinaca midig, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay barbarro 2-2 ah.

Labada kooxood ayaa lugta labaad wada ciyaari doona Arbacada toddobaadka dambe iyaga oo aan nasanin, waxaana soo gudbi doonta kooxda guuleysata.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*